Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Mid Ay La Go' i-Doonto Lagama Warqabo..Wasiir Ina Jengali Iyo Danjire Cali Amerika Oo Prof.Geedi....

Tuesday - December 15, 2009

Nairobi: Waxaa Faras-magaalaha Nairobi iyo goobaha Shaaha ganacsiga bulshada reer soomaali maalmahaan ku falaanqeyaan warar todobaadkaan lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo danjiraha kenya Maxamed Cali Ameerika ay uu gudbiyeen Dowladda Kenya Dacwad ka dhan ah Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Sida ay sheegayaan wararka wasiir Jengeli ayaa ku sakhraansan eedeeynta Prof. Geeddi inuu wado qorshayaal ka dhan ah Dowladda oo ku saleysan hagardaamo shar ah, isla markaana u muraadkiisu yahay inu maleego mu'aamaraad kala duwan oo ay ka mid tahay ku baaqid afgambi in lagu sameeyo dawlada Shiikh Shariif fikirkaasna u la hoos galay mujrimiin Ooga madoow iyo kuwa Saan-cad oo Shey'daanku ka rajo waayey ee la taliya u ah.  

Warar la xaqiijinayo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibada uu qoraalkiisa ku dalbaday in Ra'iisul Wasaarihii hore Prof. Geeddi laga masaafuriyo dalka Kenya, waxaana uu cadeeyay inuu caqabad iyo xagaldaacin ku yahay geedi socodka Arrimaha Soomaaliya.

Qoraalkan ashtakada ah oo aan wali loo gudbin Dowladda Kenya, ayaa la sheegayaa iney ku diyaarsantahay Xafiiska safaarada Soomaaliya ee Nairobi, waxaana la filayaa inuu Dowladda Kenya u gudbiyo Safiirka Soomaaliya Maxamed Cali Ameeriko iyado la rumeysanyahay in laga aqbali karo waa haddi la adeegsado maamuuska aan sharciga ahayn ee loo yaqaan Ducada Burdaha iyo yaasiinka ama sida dadka qaarkiis u yaqaaniin " is Quf"

Sida la carbaabayo Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo qudhiisa ay isku kacsan yihiin Prof. Geeddi ayaa loolanka mawjadaha colaada xurgufta leh kaalin adag kaga jira oo u yahayba ninka habaaska kicinaya waxaana laga yaabaa inuusan hakin qoraalkaas oo uu toos ugu gudbiyo Dowladda Kenya

Waxaa marar badan fashilmay waa sida la leeyahay isku dayo la isugu keeni lahaa danjirahaas iyo Cali Geeddi oo horay ugu shaqeeyay magacaabistiisa xilligii uu Ra'iisul Wasaaraha ahaa oo sida la ogyahay ay Cabdulaahi Yuusuf Muddo isku haysteen sida muuqatana Danjire Cali Ameerika ma gudin abaalkaas oo miciyo waabeysan ayuuba la gaadaya Ninki masraxa siyaasada soo galiyey... dhinaca kale Cali Jangali oo isagu ku fiican Qoob ka ciyaarka marku rabo inu soo galo deerka hadba siyaasada dabeyshu meeshay u socoto waxuu markasta ag taaganyahay dalaalna ka yahay meel mas madoow laysugu dhiibayo.

Qasriga weyn ee uu Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ku leeyahay Magaalada Nairobi Prof, Cali Maxamed Geeddi ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka soconayay shirar gaar gaar ah, taasoo ujeedkeeda ugu weyn ahaa dhismaha Maamul Goboleed uu Geedi geed fadhi u noqdo, kaas oo laga hirgliyo Labada Shabeele iyo Banaadir .... Inkastoo ay horay u dhicisoobeen qorshayaasha ayaa hadana mar kale haatan ay soo laba kacleeyeen ololahan ku aadan sidii dib boorka looga jafi lahaa dhismaha Maamul Goboleed la magac baxay Banadir-Land.

Odayaal, siyaasiyiin iyo Xildhibaano ayaa si is-daba joog kulan uga lahaa hoyga Cali Geeddi, kaasoo bundhigiisu ahaa qorshaha Banadir-Land, waxaana Odayaasha qaar ka yimaadeen Magaalada Muqdisho, oo la sheegay in laga soo bixiyay Lacagta Tikidyada.

Dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii ay ku kala boodeen, Cali Mahdi, Prof. Geeddi iyo Maxamed Dheere qorshaha maamul u sameynta Banadir-Land, iyadoo shirar qaar ay la qaateen waxgaradka kala duwan ay isku fahmi waayeen, hab qeybsiga Maamulka.