Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Cadawgeeda Dhagaha Awdan Qosol Been Ah ...Dawlada iiraan Oo Tijaabisey Gantaal Laga Fajacay

Wednesday - December 16, 2009

Teheran: - Dawlada Iran ayaa ku guulaysatay tijaabada gantaal ridadiisu aad u dheer tahay, gantaalkan oo lagu magacaabo Sejil-2 wuxuu aad uga rido dheeryahay gantaalkii Shehab ee ay hore u tijaabisay dawlada Iran. Sejil-2 gantaalkan ayay dawlada Iran ku sheegtay in uu yahay mid ridadiisu ka dheertahay gantaalihii ay hore u tijaabiyeen, sayruuqan ayaa gaadhi kara masaafo ka badan 2000 km isla markaasna waxuu dawlada Iran awood u siinayaa in ay duqeyn u geysan karaan wadamo aad uga durugsan dalka Iran oo ay ka mid yihiin wadamada ku yaala koonfurta qaarada Europe.

Tijaabada gantaalka Sejil-2 ayaa ku soo beegantay xili dawladaha reer galbeedku sii adkaynayaan cunoqabtaynta ka dhanka ah dawlada Iran. Xukuumada Iran ayaa u muuqata mid diyaar u ah in ay lagasho dagaal cidkasta oo danaha dawladeeda ku soo xadgudubta, waxaanu Madaxweyne Ahmede Najad hore u balan qaaday in hadii dawlada Maraykanka iyo xulafadoodu soo gardaraystaan xukuumadiisa ay is difaaci doonaan isla markaasna ay duqayn u geysan doonaan goobkasta oo dawladaha reer galbeedku dano ku leeyihiin.