Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Oo Hawlgal Baaritaan Ka Fulisay Guriga Prof. Geedi Ee Nairobi

Friday - December 18, 2009

Hawlwadeeno ka tirsan wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa la xaqiijiyay in ay baaritaan iyo booqasho kedis ah oo isla socda ku sameeyeen Hoyga uu Nairobi ka degan yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya  mudane Cali Maxamed  Geedi.

Hawlgalkan ay wasaarada arima dibadeedka Kenya ka fulisay guriga Prof. Geedi ayaa ka dambeeyay Ashtakadii ay dawlada Soomaaliya ka gudbisay Geedi oo sida la sheegay majaxaabinta Dawlada Soomaaliya u tafaxeytay.

Guriga Geedi ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen marka laga reebo isaga naf ahaantiisa Tiro Xildhibaano ah oo ay jaal yihiin ... xiligii la baarayay waloow aan la soo tebin wax xadgudub ah oo halkaas ka dhacay marka laga reebo fatash iyo alaabo rogrogid ay sameeyeen Baarayaashii ka socday Wasaarada Xukuumada Kenya.