Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Shirqool Lala Damacsanaa Qunsulka Itoobiya Ee Hargeysa Oo Dhicisoobay

Sunday - January 3, 2010

Hargeysa- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Gacanta ku dhigay 5 Qof oo looga shakiyay inay maleegayeen shirqool ka dhan ah Qunsulka Ethopia u fadhiya Somaliland, kuwaas oo haatan ku xiran xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa.

Shantan Qof oo Magacyadoodu kala Yihiin Maxamed Ibraahim Cawaale, Xamse Gabax Cawaale iyo Saddex Dumar ah oo kala ah Luula, Muuna, Caawiya, waxa la sheegay in labada Nin iyo laba Dumar ah oo ah Hooyooyinkood ay ka hortagayeen Gabadha Magaceeda la yiraa Caawiya oo iyadu ka imanaysay Xajka, balse labada Nin ayaa markii ay ku dhawadeen Madaarka waxa ka hor yimid Gaadhiga Safiirka Qunsulka Ethopia oo ka soo baxay Madaarka kaas oo ay moodeen inuu yahay gaarigii soo qaaday Qofkii ay ku soo dhawaynayeen Madaarka, waxaanay iyaga oo xawaare ku socda si toos ah u soo dabo galeen Garigii Qunsulka Ethopia iyaga oo daba socday ilaa iyo Xafiskiisa.

Sida la sheegay markii uu Safiirku Dareemay inuu Gaarigani daba socday mudo ayuu Qaylo dhan u dirsaday Ciidanka Nabad-galyada oo u sheegay inuu Gaari ku dabo jiro, waxaanay Cidamadu markiiba u direen Ciidan Gurmad ah, kuwaasoo ku gaaray meel ku dhaw Xafiiska Qunsulka Ethopia, halkaasna waxay ku soo qabteen Gaarigi iyo labadii nin ee watay kuwaas oo lagu  xiray Xarunta CID da ee Magalada Hargaysa.

Ka dib markii la qabtay waxa ay Cidamadu waydiiyeen Ujeedada ay u dabo galeen Safiirka waxaanay u sheegeen inay u socdeen soo dhawaynta Qof Madaarka ka soo dagayay  oo ka imanayay Xajka anay iskaga eekaadeen labada Gaari, waxa kale oo la waydiiyaya Cidii la socotay waxaanay sheegeen inay la socdeen laba dumar ah oo iyaguna soo dhawaynayay Gabadha xajaka ka imanaysay oo ahayd Qaraabadooda, isla markiiba waxa la wargaliyay Ciidnaka Ilaalada Amaanka ee Madaarka Caasimada Hargaysa kuwaas oo qabtay labadii Dumar ahaa ee Madaarka joogay iyo Haweenaydii ka imanaysay Xajka ee ay sugayeen taas oo ay magaceeda ay ku sheegeen Caawiya balse markii la qabtay uu is yeelan waayay Magacii ay sheegeen iyo Magacii ku qornaa Basaaboorkeeda, taas oo sii adkaysay kiiska loo haystay.

Laakiin Baritaan ka dib Saddexdii Dumar ahaaba waxa lagu sii dayay damiin ahaan, hasa yeeshee waxa ilaa hada xiran Labada Nin ee iyagu watay Gaariga Qunsulka Ethopia u fadhiya Somaliland Daba galay.