Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Maayor Magaalo Oo Xaday Dharka Dumarka Hoosta Ka Gashadaan " Nigiska"

Monday - January 4, 2010

Maayorka Golaha Deegaanka Magalada Preesall ayaa lagusoo eedeyey inuu u Dhacay Guri Dumar oo uu xaday Dharka Dumarku hoosta ka xirtaan siday sheegayn Ciidamada Boolisku.

Ian Stafford oo 58-Jir ah ayaa iska Casilay Maayornimada Kadib markii lagu eedeyey Shalay inuu Tuuganimo ku kacay oo uu xaday dharka dumarka hoosta ka gashadaan

Gabar Degan Magaalada ayaa soo wacday Booliska kadib markii ay wayday Dharkay hoosta ka xiran jirtay ee guriga u yaalay.

Dadka Degan Magaalada ayaa la yaab iyo amakaab ku noqotay in Maayorkoodii hore bilaabay Ciyaalo Suuqayn oo uu tafaxeytay xadida Guryaha shacabka degaanka.

Ian Stafford ayaa ka mid ahaa Golaha Deegaanka Magaalada muddo sanooyin ah iyadoo dhawaan uun loo doortay Maayorka Magaalada markii labaad.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska ee Lancashire ayaa sheegay in Ian Stafford lagu soo eedeyey Seddex Dacwo oo la xiriira inu guri jabsaday iyo inuu tuuganimo ku kacay lana saari doono Maxkamad.