Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Afwerki " Eriteriya Ma Ogolaan-doonto Itoobiya Iney U Kala Go'do Sida Soomaaliya

Monday - January 4, 2010

Asmara - Madaxweynaha dalka Eriteriya, Isayas Afwerki, ayaa shaaca ka qaaday inaynan dowladdiisa marnaba ogolaan doonin inay Itoobiya u kala go'do sida dalka Soomaaliya oo kale, taasoo uu sheegay in haddii ay dhacdo xasilooni daro ay u keeni karto dalkiisa.

Isagoo ka jawaabayey su'aal ku saabsaneyd sida ay suurogal u tahay inay Itoobiya burburto, ayuu Isayas yiri " waxaas wax dhici karo maaha, mana yeeli doono inay Itoobiya kala go'do."

Dhanka kale Mr. Isayas waxaa uu sheegay in xisbiga TPLF ee haya hogaanka dalka Itoobiya uu galay saddex qalad oo waaweyn: (1) inuunan xukunka wax-ba ka siinin qowmiyadihii halganka kala soo qeyb-qaatay (2) inuu awoodo shisheeye isu dhiibay si uu u maquuniyo qowmiyadaha Itoobiya (3) inuu Eriteriya mixnad ku noqday isagoo ugu marmarsiiyoonaya muranka xuduuda.

Dowladda Eriteriya ayaa shalay sheegtay inay ciidamada Itoobiya weerareen saldhigyo ay leeyihiin ciidankeeda oo ku yaal xuduuda labada dal ... Bishan labadeedi ayey jabhaddaha RSADO iyo ESF, oo mucaarad ku ah xukumadda Isayas sheegteen inay weerar wadajir ah ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Eriteriya.