Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Ninkii Isku Dhex Qarxiyey Saraakishi CIA-da Mareykanka Oo Ahaa Takhtar Urduni Ah

Tuesday - January 5, 2010

Warar la soo xaqiijiyey ayaa daboolka ka qaaday in ninkii isku qarxiyey kooxdii basaasiinta ahayd ee CIA-da Maraykanka dalka Afqaanistaan ayaa la shaaciyey in uu ahaa nin u dhashey dalka Urdun isla markaasna u shaqeynaayey hay’adda Siroonka ee Urdun (Jordanian intelligence).

Ninkan oo ahaa takhtar Urduni ah islamarkaana waqti dheer caan ku ahaa ololaha jihaadka ayaa muddooyinkii danbe la shaqeynaayey hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA oo ay u adeegsadeen inu hawl ka soo qabto dalka afagaanistaan gaar ahaan dhex galka kooxaha Al-Qaacidada siiba ninka labaad hogaanka al-qaacida Shiikh Ayman Al- Dawaahiri ... Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Humam Khalil Abu-Mulal al-Balawi ayaa ku shaqeeyey laba wajiile labada dhinacba u adeega waxuuna warar faalso ah u soo tabin jiray hay'ada sirdoonka mareyknka oo u ku marinhabaabin jiray.
 
Sida ugu dambeysta cadaatay ninkaas oo noqdey triple agent ayaa shaqo ka helay gacan sadexaad oo ah al-Qaacida kuwaas oo ka dhaadhicyey in uu isku dhex qarxiyo kuwa soo hawlgaliyey soona direy laf ahaantooda CIA taas oo uu fuliyey, waxaana uu diley 9 ka mid ahaa basaasiinta CIA iyado tobaneeyo ka badana u dhaawacay taas oo ka dhigtey khasaarihii ugu balaarnaa ee soo gaara CIA-da muddo 25 sano ah.