Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sirdoonka Dalka Norway Oo Dabagal Ku Haya Masaajidada Soomaalida Ku Badanyihiin

Wednesday - January 6, 2010

Warar ay qoreen qaar ka mid ah saxaafadda dalka Norway ayaa lagu sheegay in masaajiddada Somalida ku tukudaan ee caasimadda Oslo isha si gaar ah ugu hayaan sirdoonka Norway kadib markii masjid ka mid ah masaajidadaas laga wacay mid ka mid ah saraakiisha kooxda al-Shabaab ee dagaalada ka wada dalka Somaliya.

Misjidka oo aan la carabaabin magaciisa ayaa waxay wararku sheegayaan in horay isha loogu hayay balse il ku hayntaasi mar dambe la xoojiyay kadib markii taleefanka mid ka mid ah horjoogayaasha al-Shabaab laga wacay oo ku dhawaad 12-mirirna lala hadlayay.

Sarkaalka lala hadlay, cida la hadashay iyo masjidka laga wacayba laguma sheegin warbixinta balse waxaa la sheegay in uu wadahadalkii dhexmaray uu ahaa mid loogu gacan haatinayo dhalinyarada masjidkaasi ku taxan.

Arintan ayaa warbixinta lagu sheegay in ay dhacday kadib weerarkii Danmark loogu geystay ninkii farshaxanka ku caayay nabi Muxamamed (NNKH) Kurt Westergaard, kaasoo uu geystay nin Somali ah oo sirdoonka dalkaasii sheegeen in uu xiriir la leeyahay kooxda al-Shabaab iyo al-Qacidada geeska Afrika.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in saraakiil dhowr ah oo ka tirsan al-Shabaab ay horay u daganaan jireen wadamada Scandinavianka gaar ahaan Swedan iyo Danmarka islamarkaana ay aad ula socdaan xaalada wadamada Scandinavia iyagoo luuqadaha yaqaana islamarkaana jaraa`idyada interneta akhrista.

Sidoo kale waxaa la soo hadal qaaday in saraakiishani ay ka hadlaan internetka qeybta loo yaqaan PalTalk oo ay dhalinyaro badan halkaasi wax ugu sheegaan iyagoo ku qal-qaaliya in ay dalka u soo jihaad tagaan.

Dhacdadii dhicisowday ee uu ninka Somaliga ahi ka fuliyay dalka Denmark islamarkaana uu ku dili lahaa farshaxaniiste Kurt Westergaard ayaa sababtay in cadaadis xoog leh la saaro Somalida Denmark iyadoo dhowr goobood oo Somali isugu tagto baaritaano loo galay.