Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Casharki Taxnaa Ee Caalim Al-Digtoor Sh.Shuceyb Daaweeya Ruuxi Raba Waano Iyo Wacdina Ka Haqabtiraya

Thursday - January 7, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Shiikha Iyo Ka Faaiideysi Wacan

Ujeeddo Casharka Maanta: Caafimaadka Kelyaha Iyo Beerka Iyo Saameynta Ay Ku Leeyihiin Nolosha Bani'aadamka 

Waxaan ku bilaabayaa, Magaca Allah oo Xaqa lagu caabudo iyo Saliga Suubanaha Moxamed NNK ha ahaato, qofkii raaca jidkiisa wuxuu mutaa guusha dunida iyo mida Dambe, qofkii ka leexda oo diida xaqa laguusoo dejiyay, wuxuu mutaa Hoog dunidan dhow iyo ciqaabta Allah oo sugeysa inta kibirta oo Allah

jidkiisa ka leexday,  Allow noo fududee cibaadadaada iyo wixii noo dhaweynaya raali inaad naga noqoto.

Dhibaatada caafimaad daro ee ku iman karta qof kasta  waxa ugu daran  oo ugu dhib badan Kelyaha oo shaqadooda gaba,  Kelyaha  waa wershad aad muuhiim u ah marka lagu daro Beerka oo wada jir, jirka ka sifeeya wixii wasakh ah ee dhiiga la socda, Kelyuhu oo ku yaala dhinaca dambe ee dhabarka, waxey ka mid yihiin Uur ku jirka aan marna laga maarmin shaqadooda, Xikmad weyn baa ka dambeysa Allah marka uu ugu deeqay adoomadiisa labada Kelyood, waa nimco weyn oo mudan in Allah aad loogu mahadsho, fa'iidadooda

waxa garan kara qofka dhibka uu gaaro oo labaduba shaqo gabeen.

Kelyuhu Tiro ahaan waa labo, hase yeeshee shaqo ahaan waxa ay qabtaan bar tayadooda marka ay labaduba caafimaad qabaan, marka mid ay fariisato oo ay shaqo gabto, asbaabo fara badan darted, mida hartay baa shaqo buuxda qabata, si ay u bedesho booska ay ka baxday kelida kale, qaabka muuqaalka kelyaha waa sida digirta, waxa kelyuhu xajmigooda dhanyihiin Tantoonyada gacanta buuxda, waxey ku yaalaan dhanka dambe ee uur ku jirta feeraha hoostooda.

Shaqada ugu weyn oo kelyuhu qabtaan waxey tahay iney dhiiga ka saaraan wixii wasakh ah iyo biyaha siyaadada ah ee dhiiga ku jira, sidoo kale iney dib ugu ceshaan wixii jirka u baahan yahay iyo macdanta asaasiga ah ee raaca marka shaqada sifeynta ah ay qabanayaan. Waxey kelyuhu qeyb weyn ka qaataan sida loo sugayo cadaadinta dhiiga (Blood Pressure), iyo kurayada dhiiga Cascas (Red Blood Cells), kelyuhu waxa ay sifeeyaan 30 daqiiqo gudahood dhiiga jirka oo Idil.

Waxa loo qeybshaa kelyaha marka ay shaqada gabaan mid degdeg ku yimaada iyo mid wakhti badan qaata si kelyuhu howshooda u gabaan, dhibkaa markuu dhoco jirka waxa ku bata wixii wasakh ahaa ee ay jirka ka saari jireen kelyaha oo ay raacin jireen kaadida, sida lagu garto in howsha kelyuhu ay gabeen waxa ay noqon karaan kuwo araga lagu garto oo kasoo shaac baxa bukaanka iyo kuwo lagu arko marka la sameeyo sheybaar dhiiga iyo kaadida, waxa kaloo la adeegsadaa X-ray iyo Ultrasound, hadii loo baahdo, si loo agaado isbedelka ku yimi kelyaha.

Nooca hore (Acute Reanal Failure) waa mid ku bilaabata si dhakhsi leh, waxana sabab u noqon kara Infection, ama Dawada dadku si joogta ah u isticmaalaan, dhib weyn oo soo gaara qofka sida Shil xun oo uu galo, Kiimikada kala duwan oo loo isticmaalo shaqada iyo guryaha, ama Sumow, hadii la garto sababta keentay oo si deg deg ah loo daweeyo waxey u badan tahay in kelyuhu ay kasoo kabtaan oo shaqadooda dib u bilaabaan. Nooca labaad oo ah (Chronic Renal Failure), waxey u bilaabataa si tartiib ah waxey qaadan kartaa bilo ama sanado, waxey keeni kartaa qofka oo miisaanka jirkiisa hoos u dhaco isaga oo Caatooba, (Anemia) ama dhiig yari, Lalabo fara badan iyo Matag, Daal fara badan, Madax xanuun badan, Feejignaantiisa oo hoos u dhacda, Murqo Gariir iyo xanuun badan oo murqaha ah, Midabka jirka oo is bedela, CunCun badan oo jirka ah, Hurdada oo ku yaraata.

Marka bukaanka uu ku jiro sidaa mudo wuxuu gala marxalada ugu dambeysa (End Stage Kidney Failure), midan oo keenta dhiig yaraan ba'an, cadaadinta dhiiga oo aad sare ugu kaca (High Blood Pressure), Cudur xaga lafaha ah (Bone Disease), iyo Shaqada maskaxda oo aad isu dhinta (Poor Mental Function). Waa inaan is xusuusino in had iyo goor ka hortaga uu ka wanaagsan yahay daweynta, sidaa darted waa in laga fogaado wixii keeni kara in Kelyaha ama jirka intiisa kale dhib gaarsiin kara, hadii dhibkan dhaco waa in lagu dadaalo in wax laga qabto inta cudurku cusub yahay.

Marka labada kelyood shaqadooda ay gabaan, waxa la adeegsadaa qalabka lagu sifeeyo dhiiga sida (Dialysis), oo u kala baxa (Hemodialysis) iyo nooca loo yaqaan (Peritoneal Dialysis), aad muhiim uma aha inaan ka hadlo sida shaqadan loo qabto hase yeeshee waxa haboon in la ogaado iney takhaatiirta adeegsadaan si ay uga yareeyaan bukaan dhibka soo gaara marka labada Kelyood shaqo gabaan, ama guud ahaana shaqadii ay qaban jireen ay istaagto. Waxa kaloo ka mid ah daweynta shaqo gabka ku yimaada kelyaha in qofka laga saaro kuwa shaqada ka fariista oo loogu bedelo mid cusub (Transplantation), ma sahlana si loo helo kelyo cusub oo ku haboon bukaanka, dhib weyn baa laga maraa si howsha u fusho qaliinkana waxa lagu tiriyaa kuwa ugu waaweyn ee jirka lagu sameeyo.  Marka bukaanka lagu beero  Keli cusub waxa kaloo loo baahan yahay in la siiyo mudo dawooyin ka hortaga in jirkiisu uusan diidin kelida cusub ee loogu deeqay, dawooyinka la isticmaalo ayaa iyaguna la yimaada waxyeelo dadban oo badan oo bukaanka dhib kale u geysan kara.

Dardaaran waxa ah, hadii aad isku aragto Kaadi xanuun ama Gubasho, ama kaadida ay kugu badato oo xad haaf noqoto, hadii midabka kaadida ay is bedesho ama ceeryaamo yeelato, qandho iyo gariir aad isku aragto, dhabar xanuun fara badan oo ku aadan feeraha hoostooda oo aan kaa tegeyn, si degdeg le hula xiriir takhtar si baaritaan loo sameeyo ama looga hortago ineysa kugu iman kelyaha oo shaqadooda ka fariista.

Waxa mudan  in la is xasuusiyo, daweynta Dhiig karka (High Blood Pressure) iyo Sokorowga (Diabetes Mellitus) ay qeyb weyn ka qaadato ka hortaga kelyaha oo shaqadooda gaba.