Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Itoobiya Oo Sheegtay Iney Fashalisay Shirqool Argagixiso Iyo Afawarkii Oo Eedeeyey CIA-da Mareykanka

Friday - January 8, 2010

Addis Ababa - Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay fashilisay shir-qool argagixiso oo lagu doonayey in lagu bartilmaameedsado madaxda dowda Itoobiya, kaasoo ay maleegayeen koox lagu soo tababaray dalka Eriteriya.

Dowladda ayaa sheegtay inay ciidanka nabadgalyada xireen tiro dad ah oo ka tirsan urur argagixisa ah, waa sida ay dowladda hadalka u dhigtay'e, kuwasoo ujeedadoodu aheyd inay weeraraan madaxda dowladda.

War-bixin ay soo saartay dowladda ayaa waxaa ku qornaa "kuwan la xiray waxey isku dayayeen inay Itoobiya uga soo talaabaan Eriteriya, iyagoo Sudan ka soo galaya deegaanka Amxaarada. Waxaa Eriteriya lagu soo siiyey tababar ciidan."

Xaaladda nabadgalyo ee xuduudda labada dal, Itoobiya iyo Eriteriya, ayaa maalmahan sii xumaaneysay, iyadoo dhawaan jiida Zalambesa oo ay ciidanka labada dal isku hor-fadhiyaan uu ka dhacay dagaal kooban.