Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Gacan Ku-Dhiiglihi Labaad Ee Dilka Sadedi Soomaali Ee Minneapolis Oo Boliska Isu Soo Dhiibay

Sunday - January 10, 2010

Minneapolis- Sida Aan war ku helnay magaalada Minneapolis ayaa wax yar ka-hor booliska magaalada Minneapolis isu soo dhiibay gacan ku-dhiiglihii labaad ee ku lugta lahaa dilka wiilashii saddexda ahaa ee lagu dilay dukaanka ku dhex-yaalay dhismaha Seward Market ee koonfurta magaalada Minneapolis.

Danbiilahan oo isne da'diisa lagu sheegay 17 jir, ayaa loo dhaadhiciyey xabsigi habeen hore la geeyey saxiibkii, oo isne 17jir ah, xabsigan oo la yiraahdo Hennepin County Juvenile Detention Center, ayaa lagu xiraa dadka da'doodu ka yar-tahay 18 jir.

Warku waxuu intaa ku daray inuu hadda socdo shir jaraa'id oo ay qabteen duqa magaalada Minneapolis, R.T. Rybak iyo taliyaha booliska magaalada, Tim Dolan.

Illaa hadda lama sheegin magacyada danbiilayaashan, waxa kaliya oo la sheegay waa inay Soomaali yihiin, kana soo jeedaan Koonfurta Soomaaliya.