Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Maxkamada Shabaabka Kismaayo Oo Uga Digtay Reer Kisimaayo Shukaansi Iyo Khudba-Sireed Lagu Dhaqmo

Sunday - January 10, 2010

Kismaayo- Kadib marki ay magaalada Kismaayo ka joojiyeen waxyaabo badan oo caadi ka ahaa bulshada Soomaaliyeed marka loo eego dhaqan ahaan ayey kooxda Al Shabaab waxa ay shalay ka fuliyeen magaalada Kismaayo xukun lagu fuliyey dhalinyaro lagu soo qabtay Qudbo Siro iyo Shukaansi.

Meel fagaara ah ayaa la keenay laba wiil oo ay ka muuqatay dhalinyara-nimo kuwaas oo lagu soo kala qabtay falal ay iyagu u arkeen in uusan wax dhib ah laheyn balse la dareensiiyey in ay ku qaldanaayeen.

Mid ka mid ah wiilasha waxaa lagu eedeeyey in uu si qarsoodi ah gabar ku nikaaxsaday oo uu la galay waxa Soomaalida ay u yaqaanaan Qudbosiro oo ah nikaax laga qarinayo waalidiinta gabadha.

Wiilkaasi waxaa lagu xakumay 30 karbaash oo tacsiir ah waana lagu fuliyey sida ay amartay maxkamada magaalada Kismaayo.

Wiilka kale oo ah Mahad Ibaarihim Maxamed waxaa lagu eedeeyey in uu qol cidla ah kula haasaabay gabadha lagu magacaabo Keys Cali Qaliif,waxaa Mahad lagu fuliyey xukun ay ku riday maxkamada oo ah 15 karbaash oo tacsiir ah.

Maxkamada ayaa uga digtay dhalinyarada reer Kismaayo waxa loo yaqaano Shukaansiga oo caado ahaan Soomaaliya caadi ka ah kaasoo ay u arkaan Soomaalida mid ka mid ah waxa uu ka bilowdo guurka.

Baryahan waxa ay wadeen maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo howlgalo u muuqday in lagula dagaalamayo dhaqamada kasoo horjeeda diinta isla markaana shabaha reer Galbeedka,waxaa shalay lagu xiray saldhiga Kismaayo rag badan oo lagu eedeeyey in ay garka xiirteen shaaribahana deysteen.