Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sida Ugu Dhibta Yar Ee Koonfurta Somaaliya Loo Xalin Karo ... By Hamse Riiraash

Monday - January 11, 2010

Maanta waxaan qalinka u qaatay  inaan ka yaro hadlo xaalada ka taagan kuunfurta Somalia,taasi oo ay ragaadiyeen colaado iyo rabshado daba dheeraaday oo socotay mudo ku dhawaad 20 sanadood iyada oo ay isku haysteen kooxooyin ku kala dawam xaga fikirka iyo waliba xaga u jeedooyinka,ugu danbayntiina dhaxalsiiyay waxa loogu yeero amni daro amaba xasilooni daro.

Kuunfurta  Somalia caasimadeedi waa muqdisho, waana magaalo taariikh qadiimiya leh waxayna la fac-tahay magaalooyinka la kala yidhaahdo herer, saylac, bulaxaar,iyo waliba berbera.waxayna ku dhararsantahay badweynta india cimaladeeduna waa dhexdhexaad ,waxana  ka jiri jiray boqortooyooyin ay ka mid ahayd boqortooyadii caanka ahayd ee la oran jirey Ajuuraan,xiliyadaasi oo ku beegnayd xiliyadii uu Bortaqiisku aduunka ka talin jirey,ka dibna uu Bortoqiisku soo wareeray baabiyayna wixii hanti yaalay magaalada iyo boqortooyadiiba.

Hadaba maanta ka hadlimaayo taariikhdeedii hore.lakiinse waxaan diirada ku saari lahaa halka uu xalku yaalo iyo sida ugu haboon oo lagaga bixi karo caloolyowga iyo rabshadaha maanta hadheeyay gabi ahaanba umada kuunfurta soomaaliyeed.

Xalku waxa uu ku jiraa shacbiga iyagaana laga rabaa inay doorkooda ka ciyaaraan sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen gabi ahaanba kuunfuta Somalia ... Dadka aqoonyahanada daacadana waxa laga rabaa inay doorkooda ka muujiyaan sidii ay nabad uga dhalin lahaayeen kuunfuta Somalia ... Odayaal dhaqameedadana waxa iyagana ku waajiba inay danta guud ka horumariyaan danta shaqsiga doorkoodana ka muujiyaan xal u helida umadan baaba ahayd mudada 20 sanadood ...  Suxufiyiintuna waa inay ku shaqeeyaan sidii ay wadanka soomaliyeed ugu heli lahayeen nabad ka tisqaada gabi ahaanba kuunfurta Somalia ... Ardayduna waa inay dhinacooda ka muujiyaan dadaal ay wadankooda ay ku badbaadinayaan.