Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Shirkad Suudaani Ah Oo Lacag Cusub U Sameyneysa Dawlada Shariifyada Daacadnimada U Tabcanaya

Tuesday - January 12, 2010

Dawladda Federaalka ayaa dooneysa in ay soo daabacato lacag cusub. Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Shiikh Adam ayaa samaynta lacagta cusub u tegay dalka Suudaan.

Wasiirka maaliyadda ayaa maanta heshiis kula saxiixdey xukuumadda Suudaan, waxaana uu ahaa qorshe hadda ka hor la soo bandhigey laakiin dib u dhac uu ku yimid, kadib markii ay muuqatay in aysan suurta gal ahayn.

Caqabadda ugu weyn ee lacagta cusub la kulanto ayaa noqondoota sida lagu hirgelinaayo maadaama meelo kooban oo muqdisho ah ay ka taliso dawladdu, sidoo kale waxaa ku adkaan doonta sidii ay ku ururin lahayd lacagtii hore. Marka lacag laga guuraayo oo la samaysanaayo lacag cusub waxaa muhim ah in uu jiro Bangi dhexe kaas oo awood u leh hirgelinta lacagta cusub, isla markaasna muddo sanad ama ka badan ah isku wadi kara in ay wada shaqeeyaan labada lacagood iyada oo lacagtii hore ee bangiga ku soo dhacdey la xanibaayo oo aaney dib u noqoneyn, mana jiro bangi dhexe oo awood u leh arintaas.

Wasiirka Lacagta Dawladda Federaalka Eng.Yariisow ayaa mar uu ka hadlaayey arintan waxa uu codsi u direy kooxaha ka soo horjeeda waxaana uu ka dalbaday in ay ogolaadaan lacagaha cusub ee ay soo wadaan.