Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Bill Clinton Oo Cawradiisi Banaanka Soo Dhigay Marku Ku Eedoobay Bracak Obama

Tuesday - January 12, 2010

Hadal intuu Uur-kaaga ku jiro buu Amaanadaa yahay ... Laakin haddi u soo dhaafo dibnahaaga waxaad ogaata in Aanu lahayn dabo la qabto ... Madax-waynihi hore ee Maraykanka Mr Bill Clinton ayaa lagu eedeeyay in uu ereyo cunsuriyada ku yiri Mr Obama xiligii ay xaaskiisu Helary Clinton tartanka ku la jirtay Mr Obama.

Mr Clinton ayaa isagoo yasaya madaxwayne Obama waxuu yiri " sanado ka hor ninkani waxa uu inoo keeni lahaa Kafee" isaga oo uga jeeda in hadii la joogo wakhtigii adoonsiga uu Obama shaaha u soo karin-lahaa.

Mr Clinton xaaskiisa Hillary Clinton ayaa iyana la sheegayaa in ay isku dayday inay ku eedayso Mr. Obama inuu isticmaalo daroogada.

Hadaladaas oo sidi haada u duulay ayaa dhacdadaas lagu qoray buug cusub oo laga diyaariyay ololihii doorashooyinka ee dalka Maraykanka oo Arintan ay soo baxday maalmo kadib markii uu isu casilay Mr. Harry Ried hadal cunsuriyad ah oo uu ku yiri Obama xiligaa doorashada doorashadu socotay

Mr Ried oo hogaamiye u ahaa xubnaha baarlamaanka kaga jira xisbiga dimuqraadiga, ayaa sheegay in uu yiri " xisbiga dimuqraadigu wuu ka fa'idi karaa Obama waayo midabkiisu waa khafiif, mana laha hadalka Negro-ga isagoo iska dhigaaya mooyee" hasa-ahaate Mr Ried ayaa arintan raaligalin ka bixiyay.
Waxa la sheegaya in Mr Clinton hadalkan yiri mar uu telefoon kula hadlayay Ted kennedy, isagoo taageero u raadinaya xaaskiisa.