Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Nin Isagoo Filim Daawanaya Kaga Soo Baxday Xaaskiisa Oo Mataleysa Filimada Xun Xun

Wednesday - January 13, 2010

Aduunyo nin noolow maxaa aragtai kuu laaban ... Waa halka Soomaalida qaar ka tiraahdo " cimrigaa oo raaga geel dhalana waa ku tusa.

Nin daawanayey filim ku jiray internatka oo ay kaga soo baxday xaaskiisa oo rag la mataleysa filmaanta xun xun, dabadeed ninkii anfariir iyo af kala qaad ayey ku noqotay filimkaas ay xaaskiisa caruurta u dhashay ka soo baxday.

Ninkaan ayaa markii hore waxa u sameeyo garanwaayey hasa ahaate markii dambe waxuu goostay inu booliska u sheego isagoo filimkaas cajalad CD ah ku si duubay waxuuna u geeyey madaxa booliska qaybta baarista Col. Cumar Sacuudi 

Booliska oo arinti sii baaray xaqiiqsadeyna in xaaskaas ay filmka xun Actarad ka tahay iyadoo la mataleysa Niman carab ah oo cajaladaas ka muuqday ayaa Amar ka soo baxay qaybtaa Booliska magaalada Jiiza-Masar la soo qabtay gabadhi falkaas ku kacday.

Naagta ayaa magaceeda lagu sheegay Marwa Maxamed Xasan 28 jir ah waxaana booliska ay ka yaabeen markii su'aalaha gabadha la weydiinayey oo in badan isku deyday iney falkaas dafirto oo ay tiri aniga ma ahi ee waa naag kale, laakiin Ninka iyada qabay oo magaciisa lagu sheegay Cali Ramadaan cali 41 jira sida u cadeeyey waxuu ku gartay iney tahay xaaskiisa calaamado ku yiilay jirkeeda kuwaaso ka soo baxay cajalada filimka.