Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Casharki taxnaa Ee Caalim Al- Digtoor Sh.Shuceyb Daaweya Ruuxi Raba Waano Iyo Wacdina Kaa Haqabtira

Thursday - January 14, 2010

 

 
Casharki Taxnaa Ee Caalim Al-Digtoor Sh.Shuceyb Daaweeya Ruuxi Raba Waano Iyo Wacdina Ka Haqabtiraya PDF Print E-mail
Friday, 08 January 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Shiikha Iyo Ka Faaiideysi Wacan

Ujeeddo Casharka Maanta: Caafimaadka Kelyaha Iyo Beerka Iyo Saameynta Ay Ku Leeyihiin Nolosha Bani'aadamka 

 

Qofwaliba Wuxuu abuurto Buu Gurtaa.....
 
Waxaan ku bilaabayaa, Magaca Allah iyo Saliga Suubanaha Moxamed NNK ha ahaato, qofkii raaca jidkiisa wuxuu mutaa guusha dunida iyo mida Aakhiro, qofkii ka leexda oo diida xaqa laguusoo dejiyay, wuxuu mutaa hoog dunidan iyo ciqaabta Allah oo sugeysa inta kibirta oo Allah jidkiisa ka leexata,  Allow noo fududee cibaadadaada iyo wixii noo dhaweynaya raali inaad naga noqoto. Allow naga ilaali inaan dulmino adoomadaada, ama inaga dulmi naloo geysto.
 
Allah adoomadiisa ma dulmiyo, qofwaliba wuxuu gurtaa, geedkuu beero mirihiisa, guud ahaan umadeena soomaalida ku abtirsata tan iyo intii aan caglistay marxalado bay soo mareysay, mida maanta taagan mid ka khatarsan ma filayo iney lasoo haboon tahay, dad waxa ugu caqli xun qofka intuu meel shir ah soo istaago ku hadla wax uusan ka fiirsan iyo dhibka ay umada u keeni karto, qofkii caqli leh oo Allah xikmad siiyo wuu garan karaa hadal aan laga fiirsan ama la miisaamin khatarta ka iman karta, mid doqon ah ama fidna doonaya baa isaga hadla wuxuu doono.
 
Tan iyo intii dagaalka sokeeye ka dhacay dalka Soomaaliya, waxa soo baxay hogaamiye uyaal aan ehel u aheyn iney umad hogaamiyaan, waxa keli ah ee ulajeedadooda ay aheyd iney jeebka ka buuxsadaan wixii yaraa ee caawimaad ah ee dadka dhibku gaaray loogu tala galay, iyo iney ku fariistaan Kursiga talada, miyaan Allah laga baqeyn oo la ogeyn in xisaab naga dambeyso.
 
Waxa iila yaab badneyd markii usbuucii lasoo dhaafay meel fagaara ah mid kaga dhawaaqay iney la dagaalamayaan dowlada Yemen oo ay u dirayaan Mujaahidiin ka garab dagaalanta Shiicada Xutiyiinta ee dooneysa iney burburiso dowladda walaalaha aan nahay ee dalka Yemen, war Caqliga Allah ka qaad yahow miyaad ilowday in Yemen marti ay u yihiin qaxooti Soomali ah oo gaaraya rubub malyuun ama ka badan, mise waxaad hilmaantay in Yemen ay Tahay dowlad Muslim ah oo aysan habooneyn in hub loo adeegsado umad islaam ah, ma kugu filaan weysay dhibka iyo qaxarka aad ku heyso kuwa kula dhashay ee qaxa, gaajada iyo caafimaad darada heysa ay kaga darnaatay rasaasta aad habeen iyo maalin ku hoobineyso.
 
Waxa caqli xumo iigu muuqata in la eedeeyo dowladda ku meel gaarka ah, iyada oo aan la heyn wax bedeli kara oo ka wanaagsan, umada beentii loo sheegi jiray way ka baraarugtay, qof la caqli xadi karo oo dambe ma jiro, soomaalida sida ay u dhan tahay waa dad muslim ah ee yaad la jihaadi, kuwa sheegay in dowlada ay keentay kuwo calooshooda u adeegta si ay u qarxiyaan meelo ka mid ah caasimada soomaaliya, War hadii aadan dooneyn in shisheeye soo galo dalkeena, adiga marka hore garo inaad ka deyso umada dhibka aad ku heyso, Allah ka baq, diinta aad ka been shegeyso jooji, Allah u towbad keen si uu kaaga cafiyo jariimadii aad ka gashay umada, ciidamada shisheeye way bixi oo loo baahan maayo hadii aad adiga qoriga dhigto oo usoo jeesato inaad ka mid noqoto xoogaga jecel nabada iyo horumarka dalkeena.
 
Ma jecli inaan siyaasad ka hadlo oo hadafkeyga ma aha inaan dhex galo, hase yeeshee sidii Suubanaha nafaray NNK ha ahaato, "qofkii arka Munkar ama wax xun, wax hakaga qabto gacantiisa, hadii uusan awoodin carabkiisa, hadii uusan awoodin qalbigiisa waana mida ugu daciifsan imaanka" Allah qalbiga qofka geliyay, mida hore oo ah in gacanta wax lagu bedelo, waxey culimada aqoonta u leh diinta islaamka ku fasireen waxey sugeysaa qofka haya amarka muslimiinta oo talada iskaleh ama Amiirka iyo Suldaan ama qofkii markaa hogaanka haya, sidaa darteed aniga waxey ila tahay qof kasta oo damiir leh inuu diido wixii dhib u keenaya umada ama sii kordhinaya musiibada haysata dadka inta ugu tabarta daran.
 
Amaan gaar ah iyo mahad waxa mudan walaalkey Geesi Amin Amir, sida wanaagsan ee usoo  bandhigo aragtidiisa iyo isbelka ka dhaca dalka hooyo, qofkasta oo naga mid ah oo jecel ama daneynaya wanaaga umadeena, waxa loo baahan yahay inuusan ka baqin wixii toosan inuu soo bandhigo, waa sida keli ah ee umada inta weli jiifta ama qabiilka qalbiga ka degay loo baraarujin karo iney xaqa raacaan. 
 
Waxaan is weydiiyaa tan iyo markii aan soo booqday usbuucan labo ka mid ah soomaalida waxyeelada kusoo gaaray qaraxii ka dhacay 3 Decembar 2009, hotel Shaamo,  oo ku jira Isbitaal ku yaal magaalada aan deganahay, maxey galabsadeen dadkan oo dhibkan kusoo gaaray?, horay waan u maqli jiray dadbaa qarax dhib kusoo gaaray marar badan oo hore hase yeeshee midan waxey igu reebtay murugo iyo ciil aan dhamaaneyn, qof muslim ah oo aan wax kuu geysan ama kaa gelin godob u geyso dhib kan la mid ah waa wax ka daadegi waayey caqligeyga, Allah waxaan ka baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo dhowrka aan weli ka bogsoon dhibka soo gaaray, haba ugu darnaado Takhtar maalintaa qaraxu dhacay ka mid ahaa kuwii qalin jabinayay, iyo wasiirka, ma doonayo inaan magacooda qoro maxaa yeela waxa suurowda in dhib kasoo gaaro, sidoo kale waxaan Allah ka baryayaa in eheladooda samir weyn siiyo iyo ajar balaaran.
 
Waxa hubaal ah in maalin laga gudbayo dhibkan maxaa yeelay wax waara ma jiro oo aan aheyn Allah Weyne, hubka ugu wanaagsan ee Allah ku maneystay adoomadiisa waa DUCADA iyo Baryadiisa, sidaa darteed waxaan xusuusinayaa nafteyda iyo tiina in la joogteeyo baryadiisa oo lala yimaado asbaabta aqbalka ducada oo ah in Isaga loo laabto, camalkana dartii oo qura loola yimaado, Allow aqbal ducadeena iyo baryadeena, Allow naga saar dhibkan nagu dheeraaday, bukaankeena caafimaad deg deg ah sii, walidkeen u naxariiso oo intii xagaaga u badatay Jannada Firdowsa abaal marin uga yeel.
 
Waxa mudan inaan is xusuusino in qofwaliba uu guranayo wixii uu abuurto, qofkii dulmi fala mar ay tahayba wixii uu falay ciqaabteeda uu helayo, xisaabta akhiro iyo Jahanamo diyaar ay u tahay, Allaha xaqa lagu caabudo wuu kaadshaa ee wax ma hilmaamo.
 
Hadii aan asiibay waa Allah mahadii, hadii aan gafay waa sheydaanka iyo nafteyda oo qura.
 
Al Amin, Abu Yusuf