Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Qurbacyo Geela Laga Keenay Degaanada Galdogob Oo La Kala Siistay 10 Malyuun Dirham

Wednesday - Feb 3, 2010

Hasha Ma Aha Hashi Nabi Saalax, laakiin Nin u dhashay dalka isutaga imaaraadka Carabta ayaa ku iibsaday Hal 10 malyuun oo dirham kadib markay ka qayb gashay tartan-mehrajaan oo ka dhacay magaalada Dafra ee carigaas, taaso noqotay hashi ugu qaalisaneyd ee soo marta aduunyada.

Dadkii ka soo qayb galay tartankaa mihrajaanka ayaa isku raacay in hashaasi tahay tan caalamka ugu qaalisan uguna quruxsan

Sayid Xamad bin Karduus oo ah ninka maamula Tartanka-mehrajaanka ayaa carabka ku dhuftay in ninka u dhashay Imaaraadka carabta Oo magaciisa la yiraahdo Xamdaan bin Qaanim Al- Falaxi uu iibsaday 3 Halaad oo qiimaheedu yahay 24 malyuun oo dirham isagoo mid ka mid ah ku iibsaday 10 malyuun halka tan Labaad uu sistay 9 malyuun dirham iyo tan Sadexaad uu sistay 5 malyuun dirham.