Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Waa Casharkii Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalim Sh.Shuceb

Thursday - Feb 4, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Mua'dinka Xaqa Sheega Ka Daalin Al- Digtoor Sh. Shuceyb

Ujeeddo Casharka Maanta: Nicmada ilaahay Lama  Soo Koobi Karo ... Nicmada Labada Dalool Ee Sanka Muhimada ay u leedahay Iyo Cudurada ku dhaca mid ka mida oo Soomaalidu U Taqaan Sanboor.

                                ----------------------------------------------------------------------

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha Maxamed NNK ha ahaato, qofkii raaca jidkuu noo jeexay ee toosan, wuxuu heli guusha dunida iyo mida Aakhiro, Allow naga yeel kuwa maqla Qowlka wanaagsan, sida ugu haboo ugu dhaqma.
Nimcada Allah ku maneystay adoomadiisa lama soo koobi karo sida Allah noogu tilmaamay Qur'aanka kariimka ah: "Wa' In Tacuduu Nimcata Allahi Laa Tuxsuuhaa", waxa ka mid ah Nimcadaa badan Labada Dalool ee Sanka, kuwaa oo aad muhiim u ah si qofku si wanaagsan u qaato hawada Oxygenka ee daruuriga ah la'aanteed qofku uusan noolaan karin, markey sidii la rabay u shaqeyn waayaan waxa lagala kulmaa dhib badan, qofkii dhedhenshay dhibka ka yimaada baa si wanaagsan u garan kara qiimaha balaaran ee ay ku fadhiyaan iyo Nimcada  Allah siiyay inta ay le'egtahay. 
Sanka iyo labadiisa dalool waxey ka qeyb qaataan si weyn quruxda iyo bilicda qofka, Cuduro fara badan oo ku dhaca Hawo-mareenka sare ee adamiga baa haleela kuwaa oo aad u fara badan, maqaal qura laguma soo koobi karo, hase yeeshee  waxyar waxaan ka tilmaamayaa cudur soomaalida ay aad u taqaan Sanboorka, waa cudur ka mid ah kuwa ku dhaca dariiqa hawada marto ee laga neefsado, waxa lagu gartaa marka bukaanka lagu arko astaamo isugu jira Hindhiso xad dhaaf ah, Biyo sanka kasoo duula, Cabur iyo Cuncun, Indhaha oo guduuta, Dhuunta oo cuncun yelata iyo guduud.

Astaamaha aan tilmaamay oo dhan inta badan waxa u sabab ah qofka oo dhibsada umuur kala duwan oo fara badan kana mid yihiin: Habaas, Hawo qabow, ama mid kulul, Sijadada guryaha lagu goglo, Dufta iyo Dhogorta xoolaha la xanaaneysto, sida Bisada iyo Eyga, oo si gaar ah ay u dhaqdaan dad fara badan oo ku nool Mareykanka, Kanada Auatralia, iyo Yurub ama meelo badan oo ka mid ah aduunka aan ku noolnahay, sidoo kale goobaha shaqada iyo qalabka la adeegsato. Noolaha loo yaqaan Fungi oo noocyo fara badan u kala baxa, Cuno fara badan ee dadku quuto, Midabada iyo Dawad lagu daro cunada oo lagu Keydsho, Habaaska Dhirta iyo Ubaxeeda, iyo kuwo kaloo fara badan oo aan lasoo koobi Karin, intuba waxey ka mid yihiin kuwa uu ka koco Sanboorka, waxey u qeybsamaan kuwo ku kooban xilliyo gaar ah sida Jiilaalka iyo kuwo sanadka oo dhan joogto ah oo qofka qaba Sanboorka uusan ka nasan inuu dawo qaato mooyee. Dadka qaba Sanboorka waxey halis u yihiin inuu ku dhoco cudurka loo yaqaan Neefta, sidaa darteed hadii aad isku aragto calaamadaha kor ku tilmaaman, waxa haboon inaad la xiriirto Takhtar si aad u ogaato waxa ku haya iyo Dawada ugu haboon ee aad u baahan tahay si aad u yareyso ama u hakiso waxyaalada Sanboorka ku hoos daahsan.

Allow waxaan kuugu mahadinay nimcadaada aad nagu maneysatay ee noo kordhi, Allow u naxariiso waalidkeen iyo intii xaq nagu leh, Allow caafimaad waara sii bukaanka muslimiinta iyo kuwa Soomaalida gaar ahaan, Allow dalkeena nabad kusoo celi, cadowgana ka qabo