Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

iiraan Oo U Miciyo Lisaneysa Maroodigi Mareykanka Lixaadka Lahaa Markay Ruushka Ka Heshay.........

Friday - Feb 5, 2010

iiraan Ayaa goodin iyo micyo-lisasho maalma-haan isku cajabisey kuna hamineysa iney reer galbeedka dacar leefsiiso oo waliba ay rabto iney dood iyo digasho u raaciso.

Wararka iyo xogta la helay ayaa sheegaya in iiraan ay dhawaan heleyso gantaalo difaac nooca S-300 arinkaas oo la xusay in masiixiyiinta rer galbeedku neerfuhu ku kacay maqsuud ka noqonin sawaariikhdaas lagu soo daadgureynaayo carigaas iiraan ... waxaana Safiirka Iran u fadhiya Ruushka uu sheegay in xukuumada Moscow ay balan qaaday inay Iran si dhaqso ah uga iibiso Gantaalaha Difaaca ee S-300 soona gaarsin-doonto bilaha soo socda.

" Iran xumaan iyo shido iyo duulaan kama hesho mana rabto haddaan lagu khasbin waana waxa ay aaminsantahay waxayse diyaar u tahay iney hesho hab difaaca oo horay saaxiibadayada Ruushku noo balan qaaday oo ay fulin doonan heshiiska" ayuu yiri Seyyed Mahmoud-Reza oo ah Safiirka Iran u fadhiya Moscow.

Safiirka ayaa sheegay iney horay u jireen caqabooyin dhinaca farsamo oo hakad galiyey shaxnada hubkaas,waxaana rajeeynaya in ciiryaamadaas heshiiska galay dhawaan la soo af jari-doono" ayuu ku daray safiirku

Gantaalaha Difaaca ee S-300 wuxu awood u leeyahay inuu 120 Km wax ka ogaan-karo kana qarxin karo diyaaradaha Dagaalka, waxana intaa u dheer awood uu hal mar ku toogan karo 100 Goobood  kala duwan oo Yool ah " target"