Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Gorgorkii Samada Laafyoon Jiray Oo Laan Ka Kici-waayey ... Shabaab Oo Dil Ku Xukuntay Sh. D. Aweys

Sunday - Feb 7, 2010

Waa dhibaato ragu haddu kala dafiro abaal ... Xog rasmi ah oo laga helayo xarumaha isgaarsiinta soomaaliya ee iyagu 20kii sano ee inadhaaftay dhageysan jiray macaamiishooda ayaa hogaamiyahii Xizbul Islaam Hasan Daahir ku war geliyey in ay Shabab dili doonaan maalmo dhaw.

Hasan Daahir Aweeys inkasta oo uusan jirin shaqsi labo mar dhimanayo hadane wey adag tahay inuu ka bad baado xaalada uu hada ku sugan yahay ... Inta badan horjoogayaashii Xizbul Islaam waxey heshiis hoose la galeen dowlada Shiikh Shariif marka laga reebo shaqsiyaad uu ka mid yahay Caraale oo 100% la hubo inuu Shabab ku biirayo maalmo dhaw, Laakin dad badan waxey isweydiinayaan halka ay kala raaci doonaan odoyaasha magaca Hawiye ee aan loo dhameyn isticmaala ee xaafada Dayniile ku nool ma Shabab mise Hasan Daahir?

Dagaalka waan wadayaa ilaa aan ka dhinto mana joojinayo ayaa hadaladiisa ka mid ahaa kedib markii loo sheegay inay Shabab ku soo maqan yahiin. Hadaba Shabab hadey dilaan oday Aweeys isbedel intee la eg ayaa imaan kara? ... Horta Shabab wax ma dili karto waxna ma nooleyn karto ilaah baa wax dila waxna nooleeya .

Laakin hadalkii Hasan Dahir ee ahaa waa ley bililiqeystay hadaad dib ugu laabato ururka Shabab midabkiisa rasmiga ah ayuu Somalida u sheegay ninki wax fahmayo. hadii uusan intas naftiisa ku waayin Hasan Dahir waxaa hubaal ah inuu wadanka maalin maalmaha ka mid ah uu hogaamin- doono dad badana ay hadalkiisa u arki doonaan mid macquul ah.

Hasan Daahir hadalkaas uguma talo galin dadka qurbaha jooga, wuuna isticmaali karay ereyo ka wanaagsan kuwa uu hada isticmalay.

1- Ururka Shabab midabkiisa rasmiga ah ayuu Somali tusiyey oo waxuu dadka tusiyey ineysan balan galin.

2- Wey i bililiqeysteen ayaa hadaladiisa ka mid ahaa, Ereyga waa ley bililqeystay qofkasta oo Somalia oo wadankaas rajo ka leh maskaxdiisa inta uu ka shaqeysiiyo bal jawaabta u soo baxeyso ha ula tago shaqsiga ugu dhaw ee Somaliga ah.

Waxaanse ka xumahay inta maanta 2 Million Somalia ah la qaxiyey, caruurtii Somaliyeed laga dhigay mid is-qarxiyey oo la yiraahdo janaad galeysaa ee Bamkaan isku xir, Dumarkii iyo caruurtii Somaliyeed dal iyo dibad qaxooti ku yahiin oo kuwoodii gudaha wadanka ku sugnaa jidadkii raashinka gar gaarka loo marsiin lahaa laga xiro sida Ceelasha biyaha iyo Karaan oo Ma ahayn in hogaamiyayaashoodii ay maanta sidaas u hadlaan oo diinteenii muqadaska aheyd ay sidaas ugu ciyaaraan, Ma ahyn wax ay dad musllinimada ku dhashay ama wadan dadkiisu muslim yahay ay sugayeen.

Laakin Oday Aweeys hadalkiisa uu Shabab uga dhigayo beenoolayaal maxuu shacabka u tarayaa maanta? Waa 70 jir ku fashilmay arimahii Somaliya oo maanta la soo istaagay wiilal yar yar oo uu isaga soo banaan bixiyey ku leh waa beenalayaal oo si weyn ii bililiqeysteen? Bal isagii soo bar baariyey maxuu noqonayaa hadey iyagu yahiin beenoolayaal? waa cajiib. waxaan maqli jiray It's easy to be smart after the fact.