Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Dismihi Cusbaa Biyo-Xireenka Gilgel Gibe Ee Cariga Itoobiya Oo Dumay

Tuesday - Feb 9, 2010

Addis Ababa- In kasta oo aynan dowladda dhexe ee Itoobiya wali wax war ah ka soo saarin, waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegayo inuu biyo xidheenkii Gilgel Gibe 2, ee uu dhawaan furistiisa xadhiga ka jaray ra'isulwasaare Meles Zenawi, qeybtii ugu muhiimsaneyd duntay.

Biyo xidheenkan oo dhismihiisa ay qaadatay dhowr sano, isla markaana ku baxday 374 million oo lacagta Euro-ga ah, ayaa wuxuu qorshuhu ahaa inuu soo saaro koronto gaadheysa 420 megawatts.

Saraakiil ka tirsan shirkaddi Talyaaniga aheyd ee dhistay biyo xidheenkan, oo codsaday inaanan magacooda la sheegin, ayaa qiray in qeybtii ugu muhiimsaneyd oo ilaa 26 km ah, kana tirsanneyd darbiga biyo xidheenku gabi ahaanba duntay, taasoo in dib loo dhiso ay qaadan doono billo.