Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Dameerle Ka Dalac Oo Madaxweyne Noqo ... Qiso Ay Muhiim Tahay Inaad Wax Ka Ogaatid:By A/qani Farah

Wednesday - Feb 10, 2010

Xaajib Mansuur wuxuu ahaa madaxdii ugu magaca waynayd ee soo marta dawladdii Andulus "Spain" magaciisa caadigii waxa weeye Mohamed bin abii Caamir noloshiisii hore wuxuu la noolaa laba nin oo dameer layaal ah {dameeraha dhaqa} isaga iyo labadaa ninba waxay ka shaqayn jireen arrimaha dameeraha iyo xanaanayntooda deedna dib ayay uga ganacsan jireen, waxayna ahayd shaqadani shaqooyinka ugu liita wakhtigaas.

Meeshu waxay ahayd magaaladii Qurduba habeen habeenada ka mida ayaa iyagoo wada sheekaysanaya ayaa wuxuu ku yiri (Mohamed bin abi Caamir): " waryaaya ka warama haddaan noqdo amiir maxad iga codsan lahaydeen". Deedna intay qosol la kala jeesteen ayay aamuseen!!
Waxuu yiri: " maxaad la aamusteen?"
Waxay ku dhaheen: "ma kaa dhabbaa?"
Waxuu ku yiri: haa waa iga dhab....haddii aan Amiir wadanka ka noqdo maxaad iga codsan lahaydeen?
Waxay ku yiraahdeen: nala dhaaf riyada.....dameerle ka dallac oo amiir noqo!! Waa ma dhacdo.

Su'aashii ayuu ku celceliyay, mid ka mid ah waxuuna ku jawaabay: maba lihid qaab madaxwayne!!

Su'aashii buu ku celiyey mar kale.
Kii ugu horreeyay ayaa yiri: waxan codsan lahaa "haddii aad madaxwayne noqoto Guri wayn oo Qasri oo kale ah.

Waxuu yiri: maxay kale?
Waxuu ugu jawaabay: "Bustaan iyo Fardo iyo 100.000 oo Diinaar oo Dahaba"

Waxuu yiri: " iyo maxay kale"
Waxuu ugu jawaabay: "waxba!! deedna qosol ayay isku dareen."

Deedna kii labaad ayuu waydiiyay: "maxaad iga codsan lahayd hadaan noqdo madaxwayne?"

Waxuu ugu jawaabay: "inta cirku kuu jiro ayaa inaad amiir noqotaa kuu jirtaa."
Hadana kamuu aamusine su'aashii buu ku celiyay.

Waxuu yiri: haddii aad amiir noqoto dameer korkii i saar deedna askartaadu ha igu wareejiyaan magaalada gabigeeda hana dhahaan "Danbiile, ciddii la macaamiisha ha la dhigo jeelka."

Maxamed binu Caamir wuu garanayay inuu dameerle uu sii ahaado aanu ku noqon karyan Amiir. wuxuu iska dhaadhiciyay sida uu ku gaari karo himiladiisu inay tahay inuu noqdo Askari.

Askartii ayuu is qoray in muddo ah markuu askari ahaa ayuu ka dallacay oo "Taliyaha ciidamada Qurduba" noqday. Wuu ka dallacay oo noqday "Wasiirka Gaashaan dhigga."

Dabadeedna waxa dhintay Boqorkii wadanka xukumayay ... xukunkiina waxa dhaxlay inankiisii u waynaa oo la oran jiray Hishaam Mu'ayid Billaah oo 10 jir ahaa waayo waxay ahayd dhaxaltooyo. Kadibna waxa laga maarmi waayay cid la talisa wiilka yar deedna waxay yidhaahdeen (Reer Ummayah oo ahaa qoyska Boqortooyada ) haddii aynu hal nin La taliye uga dhigno armuu xilka kala wareegaa wiilka yar. Si aanay taasi u dhicin ayaa waxay sameeyeen Gole Lataliye. Khilaaf ayaa halkaa ka yimid oo dhamaantood (Reer Ummayah) ma dhici karto inay ka mid noqdaan Golaha kumana heshiinayaan.

Ugu danbayn waxay ku heshiiyeen inay xubnaha Goluhu ka koobnaado dad aan reer Ummayah ahayn waxayna doorteen saddex nin:

Ø Wasiir Maxamed Masxafi.
Ø Wasiir Maxamed bin abii Caamir.
Ø Iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka.
Ø
Isku soo duuduuboo waxa xukunkii labadan kale ka maroorsaday Maxamed bin abii Caamir (Dameelihii) wuxuuna la baxay (Xaajib Mansuur) deedna wuxuu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo inaan Qasriga la soo gali karin isagoo ogolaado mooyee iyo in ay lacagta dawladda oo dhan ku soo hooyato Qasrigiisa iyo sidoo kale in aanu wiilka boqorka ahi ka bixi karin Qasriga illaa uu isagu ogolaado mooyee.

Waxaana markii danbe Boqortoyadii loo bixiyay Boqortooyadii Caamiriyah. Wayo wuxu furtay meelo badan oon hortii loo furan ... boqortooyadiina wuxu ku ballaariyay dhul badan.

Saddex sano ka bacdi ayaa wuxuu xusuustay saaxibadiisii dameerlayaasha isla ahaayeen.
Wuxuuna amar ku bixiyay: in raggii la soo raadiyo waana loo keenay iyagoo dulundulucaynaya.

Waxuu ku yiri: ma ii xasuusataan ?
Waxay yiraahdeen: Haa, dabcan.

Deedna wasiiradiisa ayuu uga sheekeeyay waxa soo kala dhexmaray isaga iyo raggan odayaasha ah.

Kii ugu soo sokeeeyay(waa kii dahabka iyo guriga dalbadaye) waxuu waydiiyay: maxad dalbatay barigii?

Waxuu yiri: waxaas iyo waxaas.

Waxuu yiri: siiya siiya uguna dara aqoonsi uu Qasriga wakhtiga uu doono ku soo galo.

Kii labaad ayuu waydiiyay: aduu maxad dalbatay?

Waxuu ugu jawaabay: arrintaas way dhamaatay mudane.

Waxuu yiri: ma dhamaane dheh waxad hore u dalbatay.
Waxuu haddana ku yiri: Nolol iyo Badhaadhe.

Waxuu yiri (waa xaajib Mansuure): waar dheh waxad dalbatay.

Waxuu yiri: waxan dalbaday inaad dameer I saarto iyo caynkaas iyo caynkaas.................!!

Deedna waxuu yiri amiirkii (Xijaab Mansuur): ku sameeya sidaas illaa uu ogaanayo inuu Ilaahay waxkasta qadaray dhici karaan bani aadankuna gaari karo himiladiisa xidgahana ha ahaadeene