Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Waa Casharkii Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - Feb 11, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Ujeeddo Casharka: Marku Qofku Awoodi-waayo Inu Kaadidiisa Kiishka Ka Daadsho

                      Sdee Buu Noqonaya ?   Gudoon Wacan Jawaabta Ha Nasiiyo Sh. Shuceyb 

                                ----------------------------------------------------------------------
 Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha Maxamed NNK ha ahaato, Nimcada Allah ku maneystay umadiisa lama soo koobi karo sida Allah noogu tilmaamay Qur'aanka kariimka ah: "Wa' In Tacuduu Nicmata laahi Laa Tuxsuuhaa", mid ka mid ah Nicmadaa badan waa Kaadi-galeenka Ragga Iyo Dumarka, sida dadka intiisa badan la socdaan, Kaadida waxey ku sameysantaa Kelyaha, markaa kadib waxey usoo daadegtaa si joogta ah Kiishka lagu magcaabo Kaadi-galeenka, rugtaa oo ay ku uruurto, markii ay buuxsanto qofku wuxuu dareemaa xanuun aan badneyn iyo baahi ah inuu dibada u'saaro. Marka qofku awoodi waayo inuu kaadida kiishka ka daadsho waxey ku qabataa kaar iyo xanuun, waxa loo baahdaa in si deg deg ah looga soo saaro si aysan waxyeelo ugu geysan caafimaadkiisa gaar ahaan dhawac xun u gaarin Kelyaha.
Adoon Allow ka waran hadii Allah uusan kugu maneysan nicmada Kaadi-galeen kuu keydsha kaadida, sidee noqon laheyd?  Weli ma ka fekertay? Kaadida baa si joogta ah kaaga di'i laheyd oo kaaga daadan lahey, ma awoodeen inaad wax qabsato oo waxaad mashquul ku noqon lahey iyada oo qura, nololoshaa ciriiri kaa geli laheyd, Salaada iyo Cibaado aad la timaado warkeed daa, dadka dhibkaa uu lasoo derso way ogyihii iyagaana kaaga warami kara hadii aad wareysato. 
Allah deeqdii badanaa oo dulqaad badanaa, waa wax loogu mahadsho.
Cuduro fara badan baa ku dhaca ama  waxyeelo u geysta kaadi galeenka, kuwaa oo u qeybsama 1)- Kuwa la isqaadsiiyo (Infections), 2)- Kuwa ka yimaada ku noolaha loo yaqaan afka qalaad (Parassite), oo ah laba nooc ee ugu badan oo ku dhaca Kaadi-galeenka.
Maqaalkan waxaan si kooban uga hadlayaa Kansarka Kaadi-galeenka ku dhaca oo ka mid ah waxyeelada soo gaara oo keeni kara waxyeelo daran iyo dhimasho hadii aan dhakhsi loo garan ama wax looga qaban. Calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah: Kaadi fara badan oo xanuun badan leh, iyo Dhiig soo raaca Kaadida. Calaamadaha waxa la wadaaga cuduro fara badan oo haleela mareenka kaadida, laga soo bilaabo Kelyaha ilaa duleelka ay kaadida ka baxdo, mana aha qofkasta oo isku arka calaamadahan inuu qabo Kansarka Kaadi-galeenka, waxaase loo baahan yahay marka aad isku aragto mid ama dhowr ka mid ah inaad Takhtar la xiriirto si loo ogaado waxa ku haya, Waxa xusuus mudan in Cudurkan Kansarka Kaadi-galeenka hadii dhakhsi loo ogaado wax badan laga qaban karo, marka uu raago inuu dhimasho iyo dhaawac xun ka iman karto.
Dhor arimood ayaa fududeyn karta in qofka ku dhoco cudurkan, waxa ka mid ah Sigaarka, isla markaana qofka caba sigaarka halista ah inuu u dhinto cudurkan way badan tahay marka loo qiyaaso dadka aan sigaarka cabin, Da'da oo iyana aad u kordhisa fursada inuu kugu dhoco cudurkan, sidoo kale Ragga aad buu ugu dhacaa marka loo fiirsho Dumarka 4 To 1, oo ah marka uu ku dhoco afar rag ah mid dumar ah buu ku dhacaa.
Marka aad u tagto Takhtarka qaabilsan waaxda kaadi mareenka (Urologist), waxa uu dalbaa dhowr nooc oo ah baaritaanka kala duwan oo loo adeegsado si loo ogaado dhibka haya bukaanka wuxuu yahay, waxa ka mid ah baaritaanka kaadida guud Complete Urine Analysis iyo kuwo kaloo ay ka mid yihiin: Cystoscopy, Biopsies, Intravenous Pyelogram. Sida aan kor ku sheegay, waxey ku xiran tahay daweenta cudurkan hadba dhakhsida loo ogaado, marka cudurka ku raago bukaanka waxa dhici karta inuu ku fido qeybo kale oo jirka ka mid ah, wax ka qabashada ay adkaato.
Dawada kala duwan ee la adeegsado waxa ka mid ah: Transurethral Resection, oo ah in Kansarka laga soo gooyo meesha uu ku abuurmay iyada oo la adeegsanay dariiqa kaadi mareenka ee qofka, Cystectomy, oo ah in laga saaro qofka Kaadi-galeenka oo dhan, Dawada Kansarka lagula dagaalamo oo la adeegsado, midaa oo leh waxyeelo badan oo dadban, ama ugu dambeynta Radiation Therapy oo ah in la adeegsado X-Ray.
 
Allah waxaan ka baryayaa inuu naga badbaadsho waxyeelada cudurkan iyo wixii kalo la mid ah, Allow nicmadaada waan kuugu mahadinay ee noo kordhi.