Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Uur Xuma Joogta Ka Soo Yeerta Yaman ... Gabdhihi Somalida Gaajo Ku Kaliftay Iney Jirkooda Ka ....

Friday - Feb 12, 2010

Saado waxay ka mid tahay Dumar badan oo ka soo cararay dagaalada Koonfureed iyaga oo u soo raadsaday Yaman inay ka shaqaystaan, hase ahaatee ku danbeeyey inay jirkooda gataan.

"Noloshaydu waxay noqotay qashin ,maxaan samayn karaa waa in aan shaqeeyaa oo lacag sameeyaa, duruuftaydu aad ayeey u xun tahay waxaan rabaa inaan lacag u diro Caruurtaydii iyo ehelka haya oo Muqdisho jooga sidaa waxa tiri Saado.

Dumarkan Soomaaliyeed oo duruuftu baday inay jirkooda gataan waxay degan yihiin Xaafada Basteen ee magaalada Cadan ... Saadana waxay joogtaa Yaman 10 Bilood hada Sideedii Asbuuc oo ugu danbeeyey waxay ahayd mid gadanaysa jirkeeda.

Aasiyo oo iyana ah gabar kale oo Soomaaliyeed oo nolol u soo raadsatay Yaman ayaa sheegtay in ay jirkeeda u gadato si ay caano ugu hesho Wiilkeeda yar oo la nool

Najmo iyadu waxay sheegtay in rag ay jirkeeda ugu deeqday si ay lacag uga hesho ay kala baxsadaan lacagta waana gabar jirta 34

Dumarkan Soomaaliyeed waxay iyaana joogaan xaafada Tawaahi hoteelada iyo melaha Kilaabada ah iyaga oo hada aad ugu soo badanaya goobahaas.

Khuburo badan oo ka mid ah UNTa iyo ururo kale ayaa sheegay waxa dumarkan ku klifay inay jirkooda gataan ay tahay Gaajo iyo iyagoo ehel iyo caruur kaga soo tegay dhulka uu dagaalku dulaystay.