Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Faaiidada Ku Jirta Dagaalka Somaliya ... Askariga AMISOM Ee Ku Dhinta Dagaalka Qoyskiisa 100.000 $

Monday - Feb 15, 2010

FAA’IIDADA KU JIRTA DAGAALKA SOMALIA….ASKARIGA AMISOM EE KU DHINTA DAGAALKA OO QOYSKIISA LA SIIYO (100.000) OO DOLLAR ...ASKARIGA KA DHINTA KOOXDA SHARIIFKA, XISBUL ISLAAM IYO AL-SHABAAB OO KU SIFAYSAN DAMEER BAKHTIYEY OO AAN HAL DOLLAR LAGA BIXIN.

Faa’iidada Ku Jirta Dagaalka Somalia….Askariga AMISOM Ee Ku Dhinta Dagaalka Oo Qoyskiisa La Siiyo (100.000) Oo Dollar Iyo Askariga Ka Dhinta Kooxda Shariifka, Xisbul islaam iyo Al-shabaab Oo Ku Sifaysan Dameer Bakhtiyey Oo Aan Hal Dollar Laga Bixin.

Ciidamada howlgala magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa ah kuwa ka socda ururka Midowga Afrika, waxa ay ka mid yihiin ciidamad nabad ilaalinta ee Qaarada Afrika kuwaas oo la unkay kadib, markii ururka Midowga Afrika dib loo habeeyay lagana bedelay magacii ahaa ururkii midnimada Afrika.

AMISOM ayaa ku timi dalabkii Cabdillahi Yussuf Axmed ka jeediyay Adis ababa xarunta AU-da aakhirkii sanadkii 2004-kii markii la doortay kadib, Ciidamada tiraadoogu waxay ahayd in ay gaadho 8000 askari, laakiin ma jirin dalal badan oo ciidamadaasi ku deeqay marka laba reebo Uganda oo ugu horeyntiiba keentay ciidamadii ugu horeeyey, kadibna Burundi.

Ciidamadaasi ilaa iminka lama soo dhamaystirin waxayna hadda gaadhayaan 5200 askari, howsha ciidamadani waxay is bedeshay markii ay dalka ka baxeen ciidamadii Ethiopia, taas oo keentay in AMISOM ay noqoto awooda ay ku tiirsan tahay dowladda KMG ah.

AMISOM waxaa lagu eedeeyaa in ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah iyo duqayn ay dad badan oo shacab ah ku laayaan taas oo aan waxba ka bedelin hab dhaqanka kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah

Ciidamada AMISOM ee ku dhinta ama ku dhaawacma dagaalada Muqdisho waxay helaan hanti aan yarayn sidaas oo kale waxay ciidamadani qaataan lacag mushaar ah oo toban laab ka badan tii ay ku qaadan jireen dalalkooda.

Askariga AMISOM laga dilo waxaa qoyskiisa loo siiyaa mag ahaan lacag gaadhaysa 100,000 (boqol kun oo doolar) sidaas oo kale askarigii dhaawacma isna waxaa la siiyaa lacag dhan 50,000 (Konton kun oo doolar).

Sida uu sheegayo afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ciidamada Uganda Col. Felix Kulayigye ciidamada dhaawacoodu culus yahay waxaa dib loogu celiyaa dalkooda si halkaa loogu baanto, halka kuwii kale ee dhaawacoodu fudud yahay dib loogu soo celiyo Soomaaliya, waxa uu afhayeenku ka hadlayey 21 askari oo ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho 17-kii Septembar 2009 ee Alshabaab ku qaaday xaruntooda weyn ee magaalada Muqdisho.