Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Waa Casharkii Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - Feb 18, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Mua'dinka Xaqa Sheega Ka Daalin Al- Digtoor Sh. Shuceyb

Ujeeddo Casharka Maanta: Gacmo Wada Jir Iyo Talo Ayey Gool Ku Dhaliyaan ... Yey Dan Ugu Jita

                                        Ummadaan Haddaan Loo Saldhigin

                                ----------------------------------------------------------------------

Waxaan ku bilaabayaa maqaalkan Magaca Allah ee xaqa lagu caabudo iyo saliga Suubanaha Maxamed NNK ha ahaato, qofkii raaca dariiqa toosan ee uu noo tilmaamay gaara guusha dunida iyo nimcada Aakhiro, qofkii diida oo ka leexda wuxuu muteystaa ciriiri dunida iyo ciqaab sugeysa maalinta qiyaamo, Allow noo fududee inaan qowlka xaqa ah maqalno sida ugu wanagsana ugu camal falno.
 
Allah deeqdii badanaa, nimcada Allah ku maneystay adoomadiisa waxa ugu weyn mida Islaamka waa wax Allah loogu mahadsho si joogta ah, waxa ku dhan wixii qofku u baahan yahay si uu u guto nolol maalmeedkiisa ha noqoto maciishad uu kasbo ama cibaado uu la yimaado dunidan dhow iyo guusha Aakhiro, waxa ka dhasha Amaan iyo deganaasho, horumar la gaaro iyo isku filaasho.
 
Qofkasta oo inaga mid ah wuu garan karaa hadii la waayo Amni waxa ka dhalan kara oo waxa tusaale inoogu filan dalkeena hooyo iyo waxa ka dhacaya, dadkii shalay deris iyo walaalo ahaa oo maanta dagaal iyo cadaawad isku haya, Qax, Oon iyo Gaajo, Hanti digada laga dhigay iyo xadgudub lagula koco wixii Allah xurmeeyay oo ah Nafta qofka muslimka ah.
 
Waxa isweydiin mudan Nabada yey maslaxo ugu jirtaa? Yeyse qaska iyo xasilooni darida dan u tahay?
 
Nabada maslaxo waxa ay u tahay dadka oo dhan, la'aanteed wax kala soconaya ma jirto, waxa jira dad moodaya xiligan duufaanta colaada ay socoto, maslaxa moodaya ama u qaba iney ku waarayaan nimcada mala-awaalka ah ee ay heystaan iyo hantida bulshada ay boobayaan iney sii waareyso, wax waaraya ma jiro oo aan aheyn Wejiga Allah, hadii dulmi fale waarayo waxa sii joogi lahaa Fircoon, Namruud iyo kuwii la midka ahaa ee kibir iyo qooq is biday, sidii ay ku dambeeyeen waxa noo cadeeyay nusuusta Qur'aanka kariimka ah, qofkii caqli Allah siiyay baa ku waana qaata, Allah ma iloobo waxa ay falayaan kuwa ku xad gudba adoomadiisa iyo nimcadiisa, wuu u keydshaa oo u kuur galaa, marka uu keeno ciqaabtiisa si looga baxsado way adag tahay qof Allah u naxariistay mooyee.
 
Adoomada Allah waxey u qeybsamaan sadex nooc 1)- Kuwo garta wanaaga iskood. 2)- Kuwo garta wanaaga marka loo tilmaamo. 3)- kuwo aan marna garan wanaaga iskood iyo marka loo tilmaamo. Hadaba waxa is weydiin leh Soomaalida sadexdaa qeyb midkee bay ka tirsan tahay, jawaabta waxa la rabaa inuu is weydiiyo qofkasta oo inaga mid ah.
 
Nimcada Nabada ee lagu xad gudbay yaa u sabab ah, sidee lagu soo celin karaa, yaa ka mas'uul ah iney soo celiso?
 
Waa sadex su'aal oo raba jawaab deg deg ah, mar hadii dadkii le'day, duunyadiina baaba'day, dalkiina burburay, ma waxaan niraah sidii uu yiri nin sheeko lagu sheegay oo markii dhibku ka batay gacmaha kor u taagay intuu Allah baryay yiri: "Allow Waxba Dhowran Meynee Dhagaxyo soo Daadi", mise waxaan garanaa wanaaga ay leedahay Nabada iyo maslaxa weyn ee ka dambeysa, miyaan la arkeyn Nabada halka ay gaarsiisay dalalka gartay qiimaha ay leedahay, miyaanse la arkeyn isla markaa Nabadgelyo la'aanta halka ay na gaarsiisay, miyaan lagu cibrad qaadaneyn 20 sano dagaal sokeeye iyo dhibka ka dhashay, dagaal iyo qori la isla dhex ordo Dowlad ma dhaliso, Nabadna ma keento, waxa dantu ku jirtaa in la wada hadlo oo la isku soo dhawaado oo la is cafiyo, Allah loo noqdo, wixii dhacay dembi dhaaf iyo towbad lala yimaado inta goori goor tahay.
 
Umadaha aduunka ku nool in badan oo wanaageena doonaya baa jira, hase yeeshee waxey na gacan qaban karaan ama na garab geli karaan markaan dariiqa u tilmaano inaga oo gacmaha is heysana oo walaalo ah, Soomaalidu waa qowmiyad mid ah oo aan kala maarmin maslaxada ay ugu jirto iney wada jiraan, wanaagooda ka wada taliyaan, waa dad siman oo isku Af, Dhaqan iyo Diin ah, intooda badan wanaaga garta, waxey u baahan yihiin oo keli ah waa iney hurdada ka kacaan oo baraarugaan dantooda gartaan, Wadajir iyo Nabad baa lagu gaaraa horumar iyo wanaag oo dhan.
 
Allow adigaa wixii aad doonto awooda, dalkeena Nabada iyo xasiloonida uu u baahan yahay kusoo celi, Allow kuwii meel u wada jeeda oo midooba naga yeel, Allow inteena buka caafimaad degdeg ah sii, kuweena baahan quudi, intii gacan ka gardaran ku dhintay u naxariiso oo Jannada abaal marin uga dhig, Ilaahow inta xaqa diidan naga qabo, Allow inta wanaaga rabta garab gal oo ehel u noqo adigaa awood iyo naxariis badan.