Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Farsamo Xeel Waxuu Sameeyaba ... Shariif Xasan Luga-Dhuub Oo Lagu Qabtay 16 Milyan Doolar

Sunday - Feb 21, 2010

Kuala Lumpur-Malaysia: Wararka laga helayo caasimada wadanka Maleysia ayaa sheegaya in ciidamada Sirdoonka dalkaasi ay soo ogaadeen isla markaana fashiliyeen dhaqaale aad u farabadan oo taala Bankiyada dalkaasi, taasi oo ay ogaadeen in uu dhigtey shaqsi Soomaali ah.

Dhaqaalahani ayaa lagu sheegay in uu dhan yahay ilaa iyo 16 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen lacagtani gaarka loo leeyahay ay noqotey mid u taala ama ku qoran magaca Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Wasiirka Maaliyada Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Daba gal dheer oo ay ku sameeyeen ayaa la sheegay in ciidanka Sirdoonku ay sheegeen in arintani ay la yaab ku noqotey in shaqsi dalka uu masÂ’uuliyada u hayo uu dhibaateysan yahay, isaguna dhaqaalaha intaa le'eg ay u yaalaan Bankiyada aduunka qaarkood, waxayna ciidankani fashiliyey dhaqaalahani ay uga baqeen markii hore in loo adeegsado dano gaar ah oo dhibaateyn kara dalkaasi.

Bangiga lacagtani ay taalo ayaa lagu sheegay magaciisa First Bank Community oo ku yaala caasimada dalkaasi Malaysia ee Kuala Lumpur, waxaana dhaqaalahani la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay lacago tiro badan oo Wasiirka Maaliyadda uu ka soo qaaday wadamada Caalamka, gaar ahaan kuwa deeq bixiyayaasha ah, safaro is daba joog ah oo uu sanadkii hore ku tagey dalal badan oo caalamka ah.