Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Banaanbax Ay Isku Soo Duba-rideen Dawlada Eriteriya Iyo Xoogaga Mucaaradka Itoobiya Oo Fashal Ku Dha

Tuesday - Feb 23, 2010

Washington- Sida ay nagu soo wargaliyeen ilo ka soo warama magaallada Washington ee dalka Mareykanka oo uu shalay ka dhacayey banaanbax ay isku soo duba-rideen dowladda Eriteriya iyo xooggaga mucaaradka dowladda Itoobiya, waxaana la sheegay in banaabaxaas sidey filayeen u qabsoomin.

Bishi tagtay oo dhan ayey warsidayaasha taageera dowladda Eriteriya iyo kuwa xooggaga mucaaradka dowladda Itoobiya oo iskaashanaya, waxey wadeen olole ay jaaliyaddaha taageera ugu sheegayeen inay ka qeybgalaan banaanbaxan. Banaanbaxaasoo ujeeddadiisu aheyd in lagu diido cuna-qabateyntii bishii December ay QM ku soo rogtay dowladda Eriteriya.

illaha galdogob times ee Washington oo goobta baanaanbaxa uu ka dhacayey isha soo mariyey, ayaa inoo xaqiijiyey inay goobta banaanbaxa isugu yimaadeen tiro dad aanan ka badneyn kun qof, kuwaasoo ku dhawaad kala bar ay ahaayeen taageerayaasha mucaaradka dowladda Itoobiya, oo ay ugu badnaayeen kuwa ka soo jeeda mucaaradka kilinka 5aad ama la dhihikaro ONLF.

Dadka banaanba sameeynaayey ayaa waxaa lagu kala garanayey astaanta calamada ay qolo waliba sidatay iyo erayada lagu dhawaaqayey oo ka dhanka ahaa dawlada itoobiya.