Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Waa Casharkii Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-digtoor Caalim Sh.shuceyb

Thursday - Feb 25, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Mua'dinka Xaqa Sheega Ka Daalin Al- Digtoor Sh. Shuceyb

Ujeeddo Casharka Maanta: Miyaad Taqaan Dilaaga Daahsoon ?

                                ----------------------------------------------------------------------

 Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha Maxamed NNK ha ahaato, baraarujinta Jimcaha oo ku soo beegantay bishan barakeysan ee soomaalida u taqaan Mawluud oo ku beegantay dhalashada nebigeena Maxamed NNK ha ahaato 12 Rabicul Awal, ama bisha sadexaad ee tirsiga sanadka islaamka ee Hijriga, dad badan oo muslim sheegta waxey ku kacaan ficilo Bidci ah oo marar gaara shirki Allah lagu kufriyo, sidaa darteed waxaan uga digayaa akhristaha bogan inuu ka taxadaro wixii ka baxsan sunnada toosan ama keeni kara Shirki iyo Nifaaq, sida ugu haboon ee loo xusi karo dhalashada Suubanaha waxa weeyee iyada oo la nooleeyo oo lagu dhaqmo wuxuu na faray iyo dariiqa toosan ee inoo iftiinshay, sidoo kale umada loo sheego tariikhdii wanaagsaneyd ee Nebi maxamed NNK ha ahaato. Allah waxaan ka baryayaa inuu naga yeelo kuwa ku dhaqma oo la yimaada Cibaado toosan oo ka fog Shirki iyo Nifaaq.

Baraarujinta  Jimcaha waxaan ku furayaa su'aal ah, Ma Taqaan Dilaaga Daahsoon?
Takhaatiirta waxey dadka ku booriyaan dhowr shey oo fudud sameyntooda, Allah idankii kaa badbaadin kara inaadan ka mid noqon kuwa gacan u galay Dilaaga Daahsoon.
 
Intaanan guda gelin mowduuca, bal baar inta uu yahay Cadaadinta dhiigaaga "Blood Pressure" ma taqaan, horay ma isu baartay oo ma fiirisay inta uu yahay, mise waxaad ka mid tahay dad badan oo mar qura soo ritay dilaaga daahsan, Ogow in ururka Mareykanka ee Qalbiga "American Heart Association"  ay sheegeen hadii cadaadinta dhiigaaga uu ka hooseeyo 140/90 da'daaduna ay ka sareyso 12 sano ay caadi tahay. Sidaadarteed cadaadinta dhiiga u dhaxeeyo 130 ilaa 139 midka sare "Systolic" kan hoose 85 ilaa 89 "Diastolic" waxa loo baahan yahay in si joogta ah loola socdo ugu yaraan lixdii bilood ama sanadkii mar, wey wanaagsan tahay inaad cadeysato markii aad booqato rug caafimaad ama takhtarkaaga inaad eegto cadaadinta dhiiga oo aad qiyaasto. Hadii cadaadinta dhiigaaga ka sara maro 140/90, waxa lagu sheegaa inuu sareeyo. Sidaa darteed talooyinka soo socda hadii aad qaadato waxa surowda in naftaada aad ka badbaadiso halaaq.

1. Jooji sigaarka aad cabto, maxaa yeelay daraaso iyo baaritaan badan oo la sameeyay waxa ku cadaatay in dadka sigaarka isticmaala cadaadinta dhiigooda uu ka sareeyo 10 Darajo marka loo eego dadka aan sigaarka cabin.

 

2. Yaree ama jooji Khamriga aad isticmaasho, wuxuu sare u qaadayaa cadaadinta dhiiga, marka aad cabto mar ama laba maalintii, waxey gaarsiin kartaa xadka khatarta ah. Waxaa is xusuusin mudan in qofka muslimka ah xaaraan ka tahay inuu isticmaalo Khamri ama wixii ay ku jirto.

 

3. Yaree isticmaalka cusbada lagu daro cunnada, cusbada sa'idka ah waxey keeni kartaa in cadaadinta dhiiga kor u koco xataa dadka aan dhiig karka qabin marka ay si xaddhaaf ah u isticmaalaan cusbada cunnada lagu daro, waxaad bedelkeed isticmaali kartaa waxa cunnada lagu dhadhan wanaajiyo sida Xawaajiga, kamuuniyada iyo wixii la mid ah.

 

4. Hadii aad tahay qof Buuran ama miisaankaaga xad dhaaf yahay ku dadaal inaad iscaateyso oo wax badan ka dhinto miisaanka jirkaaga, marka aad caatowdo sidoo kale waxa suurowda in cadaadinta dhiigaaga hoos u dhoco.

 

5. Had iyo goor ku dadaal inaad cunto khudaar iyo fawakiho badan iyo cunada buunshada ku badan tahay, waxey u wanaagsan tahay iney hoos u dhigto cadaadinta dhiiga.

 

6. Ku dadaal inaad cunto cunno dufanka ku yartahay gaar ahaan iska ilaali inaad badsato kuwa xoolaha laga keeno sida Subaga, bedelkood isticmaal saliida ka timaada dhirta sida Saytuunka, iyo Sisinta ama Gabaldaye iyo Soyaha.

 

7. Hadii baaritaan kadib Takhtarka kuu qoro Dawada hoos u dhigta cadaadiska dhiiga, ku dadaal inaad u qaadato sida uu kugula taliyay, iska ilaali inaad joojiso mudo kadib adiga oo aan la tashan Takhtarka, sida badan marka Takhtarka kuu qoro dawada waxey u badan tahay inaad joogteyso inta aad nooshahay.

 

8. Ku dadaal inaad jimicsi sameyso adiga oo aan is kalifin, sida socodka caadiga ah 1/2 ilaa 1 saac maalin walba, dabaasha ama baskiilka, intuba waxey dhimaan culeyka jirka iyo cadaadiska dhiiga.

 

9. Iska dhowr inaad isticmaasho dawada aad ka gadato Farmashiyaha adiga oo aan la kaashan Takhtar gaar ahaan kuwa loo isticmaalo Dureyga iyo Hergebka ama Sanboorka.

 

10. Ku dadaal inaad barato xirfada qaadida ama cabiraada dhiigkarka si adiga aad u baarto naftaada marka aad u baahato inaad ogaato inta uu dhan yahay cadaadiska dhiigaaga, marka aad gacanta ku dhigto jihaaska lagu qiyaaso ugu horeynta kala tasho takhtarka si uu kaaga hubiyo inuu si wanaagsan u shaqeynayo.

Waxaan ugu dambeynta idin xusuusinayaa in maqaal hore ee aan ku qoray Bogga www.galdogobtimes.com, inaan kaga hadlay si faahfaahsan waxa uu yahay Cudurkan iyo sida loo daweeyo ama looga hortago.