Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Madaxweyne C/raxmaan Faroole Oo Magacaawday Wasiiro Shaqo Kula Dhabar Jaba .. Dhuuni Kula Joogin

Monday - March 1, 2010

Garoowe : Sida la sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada oo ku saxiixanyahay madaxweyne dawlad Goboleedka Punt-land Dr. Cabdiraxman Sh. Maxamed Maxamuud ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golahiisa xukuumada, iyadoo sida ka muuqata qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa Qaar ka mid ah Wasiiradiisii xilka laga qaaday,wuxuuna ku badalay Wasiiro kale oo qaarkood qurba joog yihiin oo ay ka mid yihiin Prof C/qaadir Cabdi Xaashi "Gaabane" iyo Dr. Cabdi-khalif xaaji xassan "Ajaayo"

1-Yuusuf Axmad Kheyr Wasiirka Amniga
2-Cali Yuusuf Cali Xoosh Wasiir ku Xigeeenka Wasaarada Amniga
3-Dr,Daaud Maxamad Cumar Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga
4-Prof C/qadir Cabdi Xaashi Wasiiru Dowlaha Wasarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga
5-C/risaaq Yuusuf Cilmi Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga.
6-Saciid Maxamad Raage Wasiirka Wasaarada Dekadaha & Gaadiidka Bada
9-Dr Cali C/lahi Warsame Wasiirka Caafimaadka
10-C/khaliif Xaaji Xasan Aw Axmad Wasiirka Wasaarada Cadaalada & Dhaqan Celinta
11-Cabdi Yaasiin Xirsi Wasiir ku Xigeenka 1aad Wasaarada Arimaha Gudaha
12-C/risaaq Maxamad Ismaaciil Wasiir ku Xigeenka 2aad Wasaarada Arimaha Gudaha
13-C/shakuur Mire Aadan Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha guud & Gaadiidka.
14-C/qadir Muuse Yuusuf Wasiir ku Xigeenka 1aad Wasaarada Kaluumeysiga
15-Maxamad C/laahi Saalax Wasiir ku Xigeenka 2aad Wasaarada Kaluumeysiga
16-Saynab Ugaas Yaasin Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Haweynka & Arimaha Qoyska
17-Cali Axmad Gamuuje Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada
18-C/Qani Salaad Yuusuf Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Hidha & Dhaqanka
19-Maxamuud Maxamad Sh Ibraahim Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Beeraha & Waraabka.

Sidoo kale waxaa Digreetada Madaxweynuhu lagu sheegey cida xilalkoodii wayday oo kala ahaa Wasiiradan:-
1- Cabdulaahi Saciid Samatar.
2-C/risaaq Yaasiin abdule Geesood
3-C/laahi Cali Xirsi
4-Faarax Aadan Dhalac
5-C/risaaq Xuseen Gaceyte
6-C/xakiin Faarax Cali
7-Dr Bashiir Cali Biixi
8-Xaliimo Maxamud Maxamad.