Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Roobab Kaluun Wata Oo Ka Da'ay Magaalo ka mida Australia

Tuesday - March 2, 2010

Magaalo ku daalka Dalka Australia oo Wabiga u jirta 326 ayaa la kulantay Roob aan caadi ahayd kadib markii muddo labo maalmood ah  uu da'ay roob Kaluun wata.

Magaalada Lajamanu oo ku taal Waqooyiga Australia kuna nool yihin 669 qof ayaa la kulantay roobkan watay Boqolaal Kaluun ah oo kasoo daadanaya Daruuraha iyadoo xiligaa roob da'ayey.

Dadka ku takhasusay Cimilada ayaa sheegaya in laga yaabo inay arrintan keentay Duufaacn badda soo martay oo soo qaaday kaluunka taas oo markii dambe ku dul daadisay Daruuraha, balse arrintan waxay noqotay mid aad looga yaabo.

Joe Ashley oo 55 jir ah kana mid ah dadka ku nool magaaladan ayaa sheegay inay layaab ku noqotay Kaluunka hawada kasoo daadanayaa wuxuna yidhi " caadiyan kaluunka biyaha loogu taga laakin kaluunka hawada kasoo dhacaya waxay noqotay arrin aanu la fajacno"

" waxaanu ka baqaynayba in Yaxaasna hawada kasoo dhaco" ayuu ku daray