Wargeyska " The Christion Science Monitor" Oo Ku Waafaqay Fikirki Galdogob Times ay qortay 17/07/2010 Ee Ahayd Obama Inusan Faragalin Somaaliya , Taageerina Dawlada Shiikh Shariif Ee Musuqa
----------------------------------------------------------------------
Qoraalka Wargeyska Oo Kooban:
1) Dawladda Isutagga (TFG) ee musuqa ahi waxay gacanta ku heysaa dhawr sakadood oo Mogadishu ku yaal, markay al-shabaab sannadii hore ay dawlada ka qabsatay rugtii laga taageeraayey, waa dableey ku dhisan hab qabiil iyo islaamnimo dhawr nooca oo maamula inta badan goobaha ay isku wareejiyeen dalkii .. Dhaqaalihiina wuu baabaay markuu sanado dagaaladu joogsan waayeen, Waxay taasina abuurtay inay soo baxaan kuwa kale ee Xag jira ee ugaarsatada ah sida kuwa kalluumeysata ahaa ee ka qeybqaadnaaya burcadnimada badda si ay u quudiyaan dadkooda faqrigu hayo.
2) Faragelinta caalimiga ahi waa daandaansiga ka careysiinaaya Somalida ay ku jiraan qurba joogu oo hogaamiya qeyb ka mida soo kororka fikirka aasaaskiisu yahay inay dagaal diimeed kaga hor tagaan kuwa degay dalkooda iyo ka mid noqoshada drajooyinka al-shabaab-ka.
3) Faragelinta Washington waxa keliya ee ay gobolkaas ku kordhisaa waa dhibaato, waxaa la joogaa xilligii dhammaanteen Somaalida aynu ka deyn laheyn faragelinta caalamiga ah, taas oo aan caawinin Somalida, dhibaatada dhimashada leh ee reer Ugaandha dhadhamiyeena inaga may ina-caawin .
By Wargeyska The Christian Science Monitor .. Fikirka Qoraaga Mr. Jeremy Sapienza
--------------------------------------------------------------------
Qoraalkii Wargeyska Oo Dhan:
Brookln, N.York : Dagaaladii muddada labaatanka sannadood aheyd ka dhacaayey dalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii gororkii dhiigu ka gudbay xuduudaheeda: Labadii bambooyin ee lagu qarxiyey caasimadda Ugaandha axaddii la soo dhaafay ee dadka deegaaanka ah ee daawanaayey ciyaartii koobka adduun galaaftay. Al-shabaab oo ah ururka islaamiga hubeysan ee Soomaaliya ayaa sheegatay si ammaan iyo tixgelin ay ugu kasbadaan weerarkaas. Wiigii hore ayuun bay aheyd, markay al-shabaab ku hanjabeysay inay soo weerari doonaan dalalka Ugandha iyo Brundi taasoo aanay xukuumaduhu waxba ka soo qaadin.
Masuuliyiinta reer galbeedka iyo warbaahintuba waxay saadaalintooda u duween inuu weerarkani aha mid ku lid ah ciyaarihii kubbada cagta ee koobka adduunka, arrintaas oo dabooli karta si fiican marka loo eego siday inoo neceb yihiin inaga iyo xoriyadeenaba, waa soo jireen, in Osama bin ladin iyo kuwo kale oo islaamka cadheysanihi ay dagaal kula jiraan si aan qiimo weyn laheyn casri-nimada qudheeda, waanad aragtaaba.
Waxaa ka sii xun, inagoo laga yaabaa inaynu wajahno yeermo ina dhex gelisa mar kale dagaal sokeeye oo Somaaliya ka soo cusboonaada, isku soo wada duuboo, wakhtigan la joogo ciribteeda dambe waxay u taalaa caalamka. Hayeeshee waa in dawladaha reer galbeedku gaar ahaan dawladda Mareykanku ay dibbadda ka joogtaa. Inkastoo ay in badan soo noqnoqotay sheegasha al-shabaab waa barbar dhac marka loo fiirsho al-Qaaciida, xiriirka ka dhaxeeyaa wuxuu ku kooban yahay inay iska kaalmeeyaan sida dadka wax looga dhaadhacsiiyo, dhammaan digniinaha ku saabsan khatarta ka imaan karta wadan fashilmay oo geeska Afrika ku yaala, Soomaaliya oo kor loogu sido nabadgeliyada mareykanku waa wax yar oon micno badan laheyn.
Taariikh dheer ayuu mareykanku ku leeyahay faragelinta taariikhda dheer ee arrimaha Somaliya ka socda. Keligii taliyihii Mohamed Siyaad Barre ayaa ka saaray dhulkuu ka talinaayey Mareykanka iyo Ruushka labadaba. Laga soo billaabo sannadii 1991-kii markii ay dhaceen iska hor-imaadyadii dableydii dibada ka dhigtay taliskii Siyad Barre ee sababtay inay Mogadisho noqoto goob dagaal oo ugu yaraan ay ku dhinteen dad gaadhaaya 20,000ruux. Dableydaasi waxay af-duubeen cuntadii Qaramada Midoobay ku caawiyeen dadkii tabaaleysnaa, iyagoo ku soo iibsanaayey noocyada hubka. Arrintaasi waxay kaliftay inay dawlada Mareykanku hoggaamiso faragelintii Soomaaliya oo ciidamada mareykanku qeybinayeen cuntadii lagu quudinaayey dadweynihii baahida u dhammaanaayey.
Sannadkii 1993-kii waxaa dhacday jabinta aan caanka aheyn ee ciidanka mareykanka kagana timi xoogagii maxeysatada ahaa ee uu hogaaminaayey dagaal oogihii Mohamed Farah Aidid, dhacdadaas oo mareykanka looga yaqaano xiligii la soo riday diyaarada Black Hawk, kuna khasabtay Madaxweyne Clinton inuu bixiyo amarkii lagaga soo saaray ciidanka mareykanka dalka Somaliya.
Dagaalkii billaabmay dabayaaqadii 1990-kii wuxuu Somalida u furay meherad aad moodid inay doonayeen inay si kooban ugu ganacsanayaan dagaalada iyo khilaafaadka dhexdooda. Horaantii sanadii 2000-kii waxaa barbaaray carruur aad u tiro badan oo marka loo fiiriyo hab-nololeedka dadweynuhu heystaan ay cidhiidhi ku tahay, inta aragtay siday u eeg-yihiin biyaha ka socda qasabadaha, korontada, telefoonada iyo waxqabadka baahiyaha isgaarsiinta ee koombuyutarka, sida qasinka laysaga fogeeyo, waxbarashada, xannaanada caafimaadka, haddii la siin lahaa waxa suuqyada yaala oon lagu xidhin sharci iyo cashuur in ka yar toban sanno ay soomalidu gaajada kaga bixi laheyd oo ay gaadhi lahaayeen nolol fiican oon ka duwaneyn sida caadiga ah Afrikaanka.
Wax caqliga gala may aheyn, kadib markii uu dhacay weeraradii Sep. 11, 2001, dawladda Washington ayaa bilowday inay qandaraas ku siiso wiilkii uu dhalay Caydiid iyo dagaal oogayaal kale inay la dagaalamaan al-qaaciida taasoo masuuliyiintii dawladii Madaxweynihii hore ee J. w.Bush ay ka cabsi qabeen inay si madax-bannaani ah uga hawl-galaan meesha aan awoodu jirin ee maamul laaanta Somaliya. Hayeeshee malyuumaadkii lacaga cadaanka ah iyo hubkii la siiyey ma ahaanin wax u soo celiya awoodii iyo dawladnimadii, kuwaas la daneynaayey ee hubeysnaa waxay iska dhego tireen baaqii laga feejignaan lahaa al-qaaciida, waxaanay halkii ka sii wadeen weeraradii ay ku tartamayeen.
Waxaa soo baxay Kooxdii Islaamiyiinta Somaliya, xaalkuna wuu sii xumaanaayey ilaa midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah (ICU) ee hubeysnaa ku soo biireen xoogagii ku dagaalamaayey inay waddanka ka eryaan dagaal oogayaashii Mareykanku maalgeliyey. Kolkii dambena waxaa loo wada yaacay dalka Kiiniya oo uu kala soo qeyb galay hogaamiyihii mucaaradkii dagaalka kula jiray taliskii Siyaad Barre inta badan, halkaas oo lagu soo dhisay Dawladdii Isutaga Marxaladaha kala guurka (TFG) oo ay tabantaabinayeen jahliyadaha caalamku. Waa markii afar iyo tobnaad ee laysku dayo in si khasab ah dawlad dhexe lagu sammeeyo Somaliya.
Reer-galbeedku waxay ku xisaabiyeen kooxdaa muslimiinta aheyd (ICU) inay yihiin urur argagixiso oo ku xidhan al-qaaciida, inkastoo ay u maamulayeen ilaa xad si dhexdhexaad ah hawlaha oo la odhan karo waxyaabo badan ayey caadigii ku soo celiyeen, wax walibana way ka xadeysmeen sidii ay ahaayeen intii rabshaduhu socdeen, Somalida lafteeduna waxay tixgeliyeen iyaga oo uga wanaagsanaaday dagaal oogayaashii. Jawaab celintii waxay noqotay, in maamulkii Bush uu dawladda Ethiopia ka dalbay inay xooga ciidanka qalabka sida ku galaan waddanka ay cadaawadda soo jireenka ahi ka dhaxeyso ee ay jaarka yihiin, kadibna ay si rasmi ah awoda ugu dhiibaan dawladda Isu-tagga (TFG) ee Somalida.
Markii la jabiyey kooxihii islaamiyiinta ee ICU-da waxay isu rogeen mucaarid si ka dhacday oo kale dalka Iraaq iyo dalka Afghanistaanba. Qeybtii ka soo hadhay Kooxdaas islaamiyiinta aheyd ee hubeysnaa ayaa abaabulay Al-shabaab oo deegaankii ku bilaabay inay dhammaan dagaal dibada ugu saaraan.
Dawladda Isutagga (TFG) ee musuqa ahi waxay gacanta ku heysaa dhawr sakadood oo Mogadishu ku yaal, markay al-shabaab sannadii hore ay dawlada ka qabsatay rugtii laga taageeraayey, waa dableey ku dhisan hab qabiil iyo islaamnimo dhawr nooca oo maamula iniba goobaha ay isku wareejiyeen dalkii. Dhaqaalihiina wuu baabaay markuu sanado dagaaladu joogsan waayeen. Waxay taasina abuurtay inay soo baxaan kuwa kale ee hadd jira ee ugaadhsatada ah sida kuwa kalluumeysata ahaa ee ka qeybqaadnaaya budhcadnimada badda si ay u quudiyaan dadkooda fakrigu hayo.
Faragelinta caalimiga ahi waa daandaansiga ka cadheysiinaaya Somalida ay ku jiraan qurba joogu oo hogaamiya qeyb ka mida soo korodhka fikirka aasaaskiisu yahay inay dagaal diimeed kaga hor tagaan kuwa degay dalkooda iyo ka mid noqoshada drajooyinka al-shabaab-ka.
Midowga Afrikaanku urur ay ka soo sammeeyeen talisyo ka noocyo duwan oo qaarada laga soo ururiyey kuna raacsan yihiin Qaramada Midoobay iyo Dawladda Mareykanku inay Somaliya ka dhisaan hab dhaqameed qaabka reer Yurub u sameysteen Dawladda Dhexe. Waddamada xubnaha ka ah ee ciidamadoodu xarumaha looga sameeyey Mogadishu waxaa ka mida Uganda iyo Burundi. Waxaa Ugaandha u jooga ciidan 5,000 oo askri oo loogu talagalay gurmad waana tiro ciidan ahaan ku badan. Al-shabaab waxay ku hanjabtay inay ku ciqaabi doonto waddamadaas ka qeyb qaadashada dagaalka, wakhtigan waxay u eegtahay inay arrintaas ku guuleysteen al-shabaab, dad badanina u ka dhintay dalka Ugaandha.
Wareega xilligan socdaa wuxuu dhaliyey tijaabin ay keentay iska dhega-tirkii digniinihii ay bixinayeen al-shabaab sannadihii la soo dhaafay, haba yaraatee wax ka khuseeyaa ma jiraan ciyaarihii koobka adduunka ee wax walba waxay u sammeynayaan deganaanshiiyaha dalkooda lagu joogo. Ciidanka Ugaandhana wuxuu ku dilay dalkooda gudihiisa dagaal-yahano al-shabaab ah, tani waa tusaale waadix ah oo adduunyada horuu martay aan ugu deeqi karno khibradayada.
Faragelinta Washington waxa keliya ee ay gobolkaas ku kordhisaa waa dhibaato, waxaa la joogaa xilligii dhammaanteen Somaalida aynu ka deyn laheyn faragelinta caalamiga ah, taas oo aan caawinin Somalida, dhibaatada dhimashada leh ee reer Ugaandha dhadhamiyeena inaga may ina-caawin.
Waa Fikrad ay soo saareen The Christian Science Monitor, waa qalinkii qoraaga weyn ee Jeremy Sapienza.