Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi

Thursday - July 11, 2019



Maalin Nabiga (S C W) isagoo xaalada dadka eeg-eegaya iyo waxay ku howlan-yihiin fiir-fiirinaaya ayuu maqlay nin reer baadiyo ah oo leh: Yaa kariim Yaa Kariim .. Rasuulka wuxuu ku dhahay: Yaa kariim .. Reer baadiyihi isna wuxuu ku celiyey ereygi: Yaa kariim .. Rasuulki ayaa markale yiri: Yaa kariim

Reer baadiyihi inta fiiriyay ayuu ku yiri: Nin-kaagan wejiga furan ee qaabka qurxan inaan reer baadiyo ahay darteed miyaad iigu jees-jeesaysaa!? illaah baan ku dhaartaye wejigaaga furan iyo qaabkaaga toosan ayaan kugu dhaafay ma-ahane Nabiga ayaan kaaga dacwoon-lahaa.

Rasuulka inta dhoola caddeeyay ayuu Yiri: Ee Walaal Rasuulkaaga ma taqaan? Wuxuu ninki ku jawaabay: Maya laakiin waan aaminay mana arag, waan rumeeyay mana la kulmin.

Rasuulki ayaa Yiri: ogoow inaan ahay Rasuulkaaga adduunka iyo shafiicaaga Aakhiro.

Ninki Wuxuu u soo cararay xaga Rasuulka oo markiiba jilba jabsaday iskuna dayay inuu gacanta ka shumiyo. Wuxuu Rasuulka Yiri: ha igu sameyn sida loo sameeyo boqorada Ruum iyo cajamta!

Isla markiiba Jibriil ayaa soo degay oo Rasuulka ku yiri: Salaamu Caleyka yaa Muxammad, Rabbigaa wuxuu ku leeyahay ku dheh kan kula jooga yuusan damcin deeq-deenna waan xisaabineynaa maalinta Qiyaamo .. Reer baadiyihi oo fariinta gaartay wuxuu Yiri: illaahey ma I xisaabinayaa Rasuulki Alloow!? Wuxuu Rasuulki yiri: Haa, insha Allaah .. Ninki Wuxuu Yiri: Wallaahi hadduu i xisaabiyo anigana waan xisaabinayaa

Rasuulki ayaa yiri: Walaal Maxaad Rabbigaa ku xisaabineysaa ?

Ninki Baa yiri: Hadduu dembigeyga igu xisaabiyo waxaan ku xisaabinayaa dembi dhaafkiisa, hadduu igu xisaabiyo Bakhiil-nimadeyda waxaan ku xisaabinayaa deeqsi-nimadiisa, hadduu igu xisaabiyo tabar-daradeyda waxaan ku xisaabinayaa awooddiisa .. Rasuulka wuu ooyay illaa ay ilintu garkiisa ka qoysay .. Jibriil ayaa soo degay oo Yiri: Rasuul Allow Rabbiga wuxuu ku leeyahay oohinta jooji, waxaa oohintaada ku mashquulay malaa’igta Carshiga ximbaarsan tasbiix-dooda, midka kaa oohiyey ku dheh: yuusan na xisaabin ma xisaabineynee wuxuu noqonayaa rafiiqaaga janada. 

hits Hits : 6715