Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo

Saturday - March 21, 2020



Waraabe la wareystay lana weydiiyey su'aal ah: Mr Waraabow haatan waa adigan Da' taagan, cimri-gaagana dhagar baad ku jirtay, boob iyo dhuumasho uu dhabarku muuqdo, cid ku jeceli ma jirto .. noolaha illaahay ku abuurey dunidda guud-keedda, Xayawaan iyo Bani'aadam-ba waad ka soo hoyatay .. Meel kaste waa lagaa karhay, cid wax ku weeydinaysa ma jirto, oo adna Cag dhigi-wayday, nasasho kaa dheer, doon-doon aad raadi-nayso baadi aanad lahayn, oo intaad aad disho cunto baa Raabi ku daba dhigay .. khaati baa lagaa tagan yahay, sidaana ku noolaan maysid iyo in aad orod uun ku jirto, ee maxaa tallo ah? Si aad adna u degtid, Makh-luuqa illahay-na ay kaaga nabad galaan, falaw-geed in aad raadiso ma kula tahay? Oo aad dayso dhagarta joog-tadda, ah ee aad noolaha ka gelaysid aan denbi kaa gelin? 

 Mr. Waraabe wuxu ku jawaabay: Fadlan Ha iga qosli-nina, Aniga Abidkey ma Qaboobaayo ilaa canka subagu soo qubo naf-na isuma hayno, oo waan is og-nahay, waxanse idiin sheegayaa, ilaa aan hello arimahan soo so-socda oo ay ii suuro-galaan, shaqadda aan hayaa mid is taagaysa ma aha, ee sidaas baan isu erya-naynaa inta dunidda illaahay rogaayo ayaantii uu ugu tallo galay. 

Waraabihi Waxa la sii su'aalay waa maxay xaajooyin-kaad tabanaysaa oo aad la harjadeyso? Ee aad heshiis u diidan tahay? Wuxu yiri: waxan idin iri, waad i daallinay-saane ma anaa Af dhul dhigay-ba weli, waxan hoose oo dhamaan la isku daray, ilaa aan dabadda sidaan doonaayo ugu walaaqo, wax-ba ka hir geli-maayaan oo qodobadan baa sharciga ii yaalaa qorayaa ee ma haysaan, mise waa maya ..Waxaa la yiri Waraabow bal mari waxaad hayso:

Waraabe wuxuu yiri: Marka calool heeryo la iiga dhigo .. Kurusna Haamo .. Raq-na la iga sii wado, mid kale-na la igu sii wado .. Hanti aanan lahayen ka ciil beello oo markaas Cankeyga aan la eegin .. oo la ii garaaco Kamanka la yiraa Qaaciga .. Heesi-ba heesta la igu sii amaano waxkasta oo aan sameeyo, la isu wariyo dhurwaa waa Awliyo soo daahiray .. Beer subaxii la ii shiillo .. Hilib Falfal ah aan cidi taaban qado la iiga dhigo .. Baruur baridda saar-saaro kibir awgeed .. Xoolaha ummadu ay aniga keli ahaan xero iigu jiraan, sidaan doonana ka yeello, oo aan anigu ku mushaaxo siddii Awr qooqan, baan wax la heshiin-kara.

Waraabe wuxuu warkiisi ku soo gabag-beeyey, bani'aadam aan wax iskaga tirinayaa ma jiro, oo sidaas baan ku dhameeyey hanti-dooddii, mana jooji-naayo ilaa la ii saxiixo arimaha aan sare ku soo taxay, oo ilaa la iga daayo waa Tuug, waa waalan yahay, balse la ii bixiyo Magac-yadda ugu wacan sidda Ma Daale, Macaane, Malable, Subagle, oo la joojiyo sheekada ay iga sameyneyso Galdogob Times iyo qaar badan oo markaas baan kala nasaneynaa ee waad deg-degay-saan ee horta aan dhogor dhacsado.

hits Hits : 5571