Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 18 September 2024

Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay

Thursday - August 1, 2024




Bartamha Sanadku marku ahaa 1915, waxaa dawladi "Mexco" ee waqtigaa kibir awgiis Kursi dheer keligeed qoondeysatay, Haddaba Sirdoonki dawladaas waxay soo qabatay nin mucaarad ku ahaa oo lagu tuhmay inu waday dhaq-dhaqaaq shirqol iyo afgambi taaso ahayed hindiso been ay hurgufeen .. Ninkaas oo magaciisa la oran jiray "Weynslao Mogil" oo lagu soo eedeeyey khiyaamo qaran, kadib qabashadiisi iyado laga joogay 3 cisho oo kaliya iyo maxkamad la'aan waxaa loola craray fagaarihi toogashada

Waxaa Toogashadiisa loo soo xulay 9 Askari, oo midkiiba ninkaas jirkiisa si talalntaali araxan-goys ah ugu Shot-gareeyeen min 9-jeer, halkaas jirkiisa oo dhan shaandho laga dhigay dhiig matagay , isla markaana sarkaalki ciidanka watay madax ugu dhuftay Rasaasti Raxmada isagoo leh: Halkaa Taalo Waa Abaalkaa

Ninki waxaa looga tagay Meyd meeshii baana looga dhaqaaqay si Habar-dugaag goobta markaas ku badneyd hilibkiisa loogu casumo .. Hasa-ahaate Ninki inkasto Meyd ahaanta looga tagay Amarka iyo Gargaarka Alle nafti kama bixin, balse isagoo xanuun iyo gaajo la miiqmay ayuu goor gudcur ah inta gurguurtay tartartiib u xamaartay ayuu la kulmay nin Aaga maraayey .. Nasiib wanaag Ninkaas oo sida muuqata xag alle laga soo diray ayaa qaaday oo gurigiisa geeyey, halkaaso si qarsoodi ah ugu dabiibi jiray bukaana ku ahaa .. Ninkaas meyd ahaanta looga tagay waxuu sii noola 60 sano, wuxuuna ku dhintay cimri 85 Sano.
 ILaah Ha Ina Hareer Mario Balaayoo-yinka ka dhacaya Aduunka Hadey Shar Tahay Iyo Haddi Dhibaato Kale Yihiin

hits Hits : 1582