Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah

Thursday - October 6, 2022




Waxaa jiray Nin reer miyi ah oo ku dhacay God ka qodmay wado dhaxdeed ee ku taal meel u dhaxeysa Garbahaarey iyo Baardheere, wuxuuna ka kala jabay Dhabarka, taaso keentay itaal daro awgeed inu waayo awood u uga baxo godkaas .. Waqtiga oo ahayed xili habeyn dhulkana ahaa Roobab iyo dhiiqo, waxaa Ninki u muuqatay inusan marna ka baxsaneyn baabuurta wadada soo haysa oo ay cagt marin-doonaan, sidaas daraadeed wuxuu Afka saaray Quraan akhris iyo ilaah baryadiis.

Ninki Isagoo bisinka iyo subxaana-laah ku waashay isuna dhiibay rabigiis, wuxuu mar dambe maqlay Cod dhagihiisa ku soo dhaceysa oo lagu leeyahay " War Kibriidka Daar-daar"  dabadeed ninki wuxuu xasuustay in Jeebkiisa sare kibriid ugu jiro wuxuuna bilaabay inu Dar-daaro marku arkay Nal baabuur oo wadada ku soo jira .. Darawalki baaburka oo dhiiqo Roob awgeed si tartiiba u socday wuxuu meel fog ka arkay wax jidka dhexdiisa ka bidhaamaya, isla markiina waa u istaagay sidu u hubiyo iftinkaas bilig-blig leh, wuxuuna halki kala kulmay Nin God ku jira oo reen iyo taah ka baxaya .. halki ayuu darawalki ninki godka ka soo saaray isagoo aad u liita

Dabadeed Ninki oo lagu soo shamuumay wuxuu goobti ka warbixiyey sida u Godka ugu dhacay iyo sida Eebe Kibriidka uga dhigay sababta badbaadadiisa .. Darawalki iyo dadki gaariga saarnaa oo warbixintaas ka beer qaaday waxay Eebe ka baryeen: in illaah Jeebka ugu Rido Kibriidki Badbaadada

hits Hits : 2657