Somaliland: Labada Gole Oo Anshixiyey Heshiiski In Berbera Saldhig Milatari U Noqoto Emiraatka Carabta
Sunday - Feb 12, 2017
Hargeisa-Kulan wadajira labada gole ee Somaliland oo Madaxweyne Siilanyo isugu yeeray ayaa Goor-dhaweyd ansixiyey heshiiskii ay Madaxtooyadu la gashay dawlada Emiraadka iyo Xulufadeeda lagu siinayo Berbera inay ka dhigato Saldhig milateri.
Fadhigan oo madaxweyne Siilanyo khudbad ka akhriyey ayaa Saleebaan Gaal oo ahaa Shir-gudoonka Labada Gole ee fadhigan ayaa wuxuu cod geliyey heshiiska Saldhiga Berbera,waxaana diiday hal xildhibaan oo keliya iyyadoo dhawr xildhibaana ka aamuseen, Halka intii kale codkooda siiyeen, sidaasna ayaa heshiskii madaxtooyadu iyo Emaaraadka Carabta ku hirgalay.