Subxaana Laah .. Hooyo Dhashay 69 Caruur Oo Geeriootay
Tuesday - Feb 28, 2017
Haweeney da’deedu ahayd 40-jir oo dhashay 69-carruur ah ayaa Axaddii la soo dhaafay ku geeriyootay Marinka Qasa ee Dhulka Reer Falastiin.
Sayga Marxuumadaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee Wakaalladda Wararka Gaza Now “وكالة غزة الان الاخبارية” in Xaaskiisa ay u dhashay 69-carruur ah (Maasha Allaah) .. Waxa uu intaasi ku daray inay Xaaskiisa 16 jeer u dhashay min 2 mataano ah, iyadoo 7 jeer oo kalena u dhashay min 3 mataano ah, mar kalena ay 4 jeerna dhashay min 4 mataano ah.
Dhinaca kale, sida laga soo xigtay Tiro-koobka Caalamiga, taariikh ahaan waxay Hooyadan aad uga badan tahay tirada haweeney ilmo ku dhasha Marinka Qasa ee dhulka Reer Falastiin.
Rabbi ayaa bixiya Haddiyadda ilmaha, iyadoo qaar ka mid ah Qoysaska isku dhalaan Carruur Wiil, halka kuwa kalena kala helaan wiilal iyo gabr, iyadoo qoysas kalena aysan wax ubad ah isku dhalin ee ilaahay ha ugu deeqo Awlaad Insha Allaah. = Aamiin. Aamin