Beeney Jilbaha Dhigo .. Akhriso Liiska Wasiirada U Farmaajo Hindhisay
Tuesday - March 21, 2017
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ku dhawaaqay golhiisa Wasiirada kadib munaasabd kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiirada uu ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa isugu jira-Wasiiro , Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro Dowlayaal, waxaana Wasiirada qaar kamid ah Siyaasiyiin oo horey xilal kala duwan dalka uga soo qabtay.
Golaha Wasiirada uu goordhaw ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ku jira aqoon yahano qaarkood siyaasada ay ku cusub yihiin, waxaana Liiska Wasiirada laga waayay xubno horey loo saadaalinayay in ay kamid noqon doonaan Xukuumada cusub.
1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen
2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha.
3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda
4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda
5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka
6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga
7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha
8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada
9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka
10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga
12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud
13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka
14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka
15- C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka
16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha
17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta