China Oo Sawaariikh Jahanabo Ah Ku Jeedisay Bartamaha Dalka Taiwaan Iyo Madaxda Taiwaan Oo Calyadi Ka Dhamaatay Meel Ay U Ciirsadaan La'
Tuesday - March 21, 2017
Dawlada China ayaa la ogaaday in 1500 gantaalada dhaadheer ay ku jaheeyeen cariga Taiwaan, sawaariikhdaas oo la sheegay iney gaari-karto saldigyada lagu magaacabo DF-16, sido kale gantaaladas waxay il biriqsi ku duqeyn-karaan jaziirada owkinawa.
Dhinaca kale wasiirka difaaca China oo hadalkiisa u muuqday sarkaal sidi Awr doobi ka soo bixi-waayey oo gantaalahaas war ka bixiyey ayaa tilmaamay in gantaaladaas ay yihiin kuwa cusub oo yoolkii la rabo dhex jibaaxi-kara.
Wargeyska Daily Star oo isagana ka faaloonaayey awooda u la soo baxay ciidanka shiinaha ayaa soo xigtay warka wasiirka difaaca u ku sheegay inu gantalaadaas ku jaheeyey dalka Taiiwaan, laakiin wasiirku ma sheeegin goobaha u sawaariikhdaas la dhigay .. isla markaa khubaro ay soo xigatay wargeyska ayey ku sheegtay in gantaaladaas ay gaari-karaan masaafo 100 illa 1500 km. isla markaana ay xambaari-karta qunbuladaha qarax jahanabo halista ah.