Halgamaa La Xirnaan Jiray Nelson Mandela Oo Dalka Koonfur Africa Ku Dhintay
Tuesday - March 28, 2017
Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxa ku geeriyooday Ahmed Kathrada oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u soo halgamay in dalka laga saaro xukunkii midab takoorka.
Waxa uu xiriir dhow la lahaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, kaasi oo ay muddo 18 sano ah ku wada xirnayeen xabsiga Robben Island.
Markii xabsiga laga sii daayay, waxa uu ka mid noqday golaha fulinta ee xisbiga African National Congress, waxaana loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Mandela.
Waxa uu ka fariistay baarlamaanka sanadkii 1999, balse weli wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday siyaasadda. Dhawaan waxa uu cambaareeyey dadkii doonayey in uu is casilo madaxweyne Jacob Zuma.