.jpg)
Ilaah wuxuu abuuray waxyaabo kale oo badan intaan binii’adanka la abuurin. Waxaa ka mid ah waxyaabahaas uu Ilahay abuuray maalmaha kala duwan, ciida oo la abuuray maalin Sabti ah, geedaha oo la abuuray maalin isniin ah, buurah oo la abuuray maalin Axad ah, cudurada oo la abuuray maalin Talaado ah, nuurka oo la bauuray maalin Arbaca ah, iyo Khamiis oo la abuuray waxyaabaha kheyraadka ah. Intaas kadib Ilaahey waxuu abuuray nabi Adam (scw) maalin Jimca ah salaat casir kadib. Allaah subxaana watacaala malakul jibriil ayuu samada ka soo diray kuna yidhi dhulka iiga keen caro si nabi Adam loo sameeyo. Jibriil sidii ayuu sameeyey Illaah nabi Adam ayuu abuuray waxuuna ku dhax abuuray janada, waxaana laka abuuray ama laka sameeyey nabi Adam ciid ama caro medebkeedu kala duwanyah. Nabi Adam, afartan habeen ayuu dhoobo ahaa, markii lasameeyay kadib. Afartan cisha kadib naf ayaa Illah ku afuufay nabi Adam , waxayna ruuxdu ka gashey qaarka hore. Isla markii nafta la geliyey wuu hindhisay Ilaahne waa u duceeyey. Nabi Adam cunitaan ayuu kubilaabay mirihii janada ku yiilay isaga oo qaarka danbe wali meyd ka ah.
Janada waxaa ku noolaan-jirey malaa’ikta iyo ibliis oo qof wanaagsan ahaa markaas. Ibliis nabi Adam ka hor ayaa la abuuray janada ayuuna kunoolaan jirey. Intaas kadib markii nabi Adam(scw) la abuur dhammeeyey, ilaah wuxuu amrey malaa’iktii iyo ibliis in ay u sujuudaan nabi Adam. Malaa’ktii wey u sujudeen nabdi Adam laakin ibliis wuu diiday in uu u sujuudo nabiga asag oo iska kibriyay iskalane weyn amarka Ebe iyo nabigaba. Ibliis wuxuu dhahay isaga oo iskibrinaya uma sujudayo wax ama qof laga sammeyey carro maxaa yeeley ani waxaa la iga sammeeyey naar ama holac waana run oo ibliis waxaa Ebe ka abuuray naar laakin amarka Ebe wuu diidey in uu raaco. Ibliis maalinba maalinta kadanbeyso naceeb ayuu u qaaday iyo cuqdada asag oo layaaban ujeedad lo abuuray nabi Adm (acw). Markii ibliis diidey Alle amarkiisa, janada ayaa laga ceyriyey ayada oo naxariis iyo raxmad Ebe laga fogeeyey. Dambikaas oo ahaa dambigii uku weynaa oo Illaah laga galo.
Nabi Adam janada ayuu iska dhax joogi jirey, markaas cidlo ayuu dareemay janada dhaxdeeda. Illaah wuxuu u abuuray Xaawo oo laga abuuray nabi Adam feeriisa si ay wehel iyo xaasba ugu noqoto. illaah (sbxw) wuxuu ku yiri Adam iyo Xaawo dega janad dhaxdeeda kana cuna meeshaad doontaan illaa geed laka xarrimay mooyee.
Ibliis markii janada laga ceeriyey kuma herin intaas kamana quusan ee wuxuu isku diyaa-jiyay maalin kasta sidii uu nabi Adam iyo Xaawo uga saari lahaa janada. Albaab kasta oo janada malaa’ikta ayaa waardiyo ka aheyd si ibliis janada uusan u gelin. Ibliiis maalinkasta wuxuu u tagijiray xayawanada oo markaas hadli jiray wuxuuna ku dhihi jiray janada igeliya , maalin maalmaha kamid ah waxaa ibliis ku soo qaday ilkaha abeyso soona galisay janada. Meeshaas wuxuu ka helay fursad , isla markiina wuxuu ku degdegey sidii uu nabi Adam u waswaasin lahaa ugana saari la haa janada. Ibliis wuxuu kula
taliyey nabi Adam in uu cuno geedkii Alle ka reebay ama ka xarrimay kuna caasiyo illaahiisa. Nabi Adam wuu ka diiday waxii ibliis usoo bandhigay iyo in uu ku caasiyo rabigiis. Ibliis wuu ka quustay nabi Adam kuman guuleysan in uu cunsiiyo geedkii, laakiin ibliis wuxuu u degdegey Xaawo kuna waaniyey in ay cunto geedka. Ibliis wuxuu ku dhahay Xaawo iyo Adam in uuna illaahay ka reebin geedka illaa in uu unacaayo inay noqdaan labo malak oo waaro. Xaawo geedkii eyey goosatay kadibna cuntey madaama ibliis si fiican ugu sharaxay macaankiisa, Xaawo markey cuntey geedkii waxey ku qasabtey iney cunsiiso nabi Adam , laakin wuu ka diidey in uu caasiyo illaah. Xaawo waxay ku dhahdey nabi Adam ima soo gashid ilaa aad soo cuntid geedka akteydane ka fogow . Nabi adam murugo ayuu dareemey markey Xaawo la hadli-diidey taasine waxey ku qasabtey in uu cuno geedkii ilaah ka xarrimey. Intaas kadib Xaawo iyo Adam waxey ogaadeen in ay caasiyeen ilaah, Xaawo iyo Adam janada ayaa laga soo saarey maadama ay caasiyeen ilaahay. illaah wuxuu ku yiri Xaawo iyo Adam u hoobta dhulka nolol ayaa idinku sugnaatey in muddo ah.
Xaawo iyo Adam waxaa laga soo kala tuuray Mako iyo india, Xaawo Maka-Jida nabi Adamne india, meeshaas ayey isku waayeen , nabi Adam Xaawo ayuu radiyey kadibne ilaah ayaa is haleeshiyey kadibne waxey aadeen mako. Halkaas Adam iyo Xaawo nonol ayey ka bilaabeen iyo sidii ay ugu dhaqmi-lahayeen dhulka korkiisa.
Xaawo waxey dhashey afartan carruur oo mataano ah (40) waxeyna uureysatay (20) jeer. Waxaa kamid ahaa carruurta laba wiil oo la kale dhaho Qabil iyo Habil. Sharciga markaas jiray wax uu ahaa in uu nabi Adam u guuriyo mataanka hore mataanta danbe, waxaa xaraan ka ahayd in ay labo mataana ah is guursadaan. Qabil wuxuu diidey in uu gursado gabadhii guur ugu aadaneyd wuxuuna yiri waxaa kaliya oon guusan mataanteyda laakiin gabadhaas xalaal uma aheyn. Meshaas waxaa ka dhashey caasinimo kale oo Qabil wuxuu ku caasiyey ilaah iyo aabihiis nabi Adam (scw). illaah wuxuu amrey Qabil iyo Habil in ay sadaqo la baxaan, qofkii la aqbalo sadaqadiisa ayaana guursan gabadha.
Habil wuxuu ahaa qof wanaagsan wuxuuna sadaqeystey wixii ugu wanaagsanaa xoolihiisa madaama uu ahaa nin xoolaaley ah, laakin Qabill oo ahaa nin beeraaley ah wuxuu bixiyey waxii ugu xumaa beertiisa. illaah wuxuu aqbalay sadaqdii Habil madaama uu ahaa qof kheyr qaba. Qaabil intaas kadib wuu xanaaqey , sheydaan ayaana ka qaalib noqday wuxuuna go’aan ku qaatey in uu dilo walaalkiis Habil, kadibne dhagax ayuu ku diley. Meeshaas Qaabil dambi weyn ayuu xambaarey, qofk kasta oo maanta la dilo Qaabil dambiga qofkaas bar ayuu ku leeyahay, maxaa yeeley wuxuu ahaa Qaabil qofkii qof dilo ugu horeeyey aduunka .. Nabi Adam wuxuu noolaa kun sano , kun sano kadibne ilaah ayaa oofosaday. Nabi Adam (scw) malaa’ikta ayaa dhaqdey oo kafantey.
Maxaan kafaa’idi karnaa Qisada Nabi Adam?
Waxaan ka qaadan karnaa qisadaan kibirka oo sheydaan ku kibrey ilaahii abuuray, hadana ku caasiyey oo diidey amarkiisa, ibliis intaas oo dhan wuxuu u suubinaayey kibir, isla weyni iyo xaasidnimo. Xaasidnimadu waa wax xun , xaasidnimadu qofka naar bay galin kartaa camalkiisana way baabi’in kartaa, waxyna keeni kartaa in uusan Ebe aqbalin. Sidaa darteed inaan qalbigeena ka ilaalino xiqdiga iyo waxa camalkeena lagu aqbalin. Iska ilaali Waligaa in aad xasadid qof bani aadam ah.