Qoyska reer boqor gaar ahaan jiilkooda cusub oo ka duulaaya gogosha kala duwan oo ay ka yeesheen falalkii u ku kacay boqor Salmaan bin Cabdi-Casiis ee la xariiray inu wiilkiisa si bareer cad ka dhigo dhaxal sugaha kowaad iyo iyadoo haddana amiir Maxamed Bin Naiv oo xilkii dhaxal laga xayuubiyey u jeelka gurigiisa ka dhex jiiq-leynaya. sidaa awgeed Qoyska waxay isku afgarteen in dhaxalka runta ah u leeyahay Amiir Axmed Bin Cabdi-Casiis oo ah Amiirka da' ahaan ugu yar ilama boqor Cabdi-Casiis, waxaana warku intaa sii raacinaya in go'aanku u ka mid yahay in Amiirada Reer Cabdi-Casiis guud ahaan ay qabtaan shir jaraaid oo ay ugu sheegayaan caalamka in boqor salmaan bin Cabdi-casiis ay caafimaad daro nugleysay oo shaqadi hawlgab ka noqday, isla markaana lagu baaqayo in amiir Axmed Bin Cabdi-Casiis oo walaal la ah Boqor Salmaan u yahay amiirka xaqa u leh dhaxalka.
Amiirka dhaxal-sugaha ee dhawaanta la magacaabay Maxamed Bin Salmaan oo isagu warkaas ka soo baxay familka boqortooyada ka jawaabaya ayaa laga sheegay inu yiri: Dhaxalku dhinac kasta wey ka dhaaban-tahay oo dabeyl soo marimeyso, sidaa daraadeed Aniga waan ka dhaga la'ahay waxa la sheeg-sheegaayo iyo muranka aan xaqiiqada ku fadhin, wuxuu yiri: bal reer boqorow maad noqotaan dhadhaab iyo dhagax aan dhola qosol cadeeye .. ha ii la imaanina ayuu yiri warkiina ee meelaha ka buq buuqa, oo hadaad rabtaan soo dhiiba midida loogu tala galay fadqa-lalo iyo in lagu kala jiro familka.
Fiiro Gaara: Wararkaan oo intooda badan laga soo xigtay ilo kala duwan oo gudaha Sacuudiga ah, haddana inta badan wararka xogtiisa iyo xaajada kor ku xusan ee la xariira familka boqortooyada waxaa soo gudbiya Amiir ka mida familka boqortooyada oo is qariya isagoo magaciisa ku daboola " Mujtahid"