Dhawaaq Saameeyey Shanta Qaaradood .. Gaas Oo Cadeeyey Inu Safka Hore Kaga Jiro Taageerada Isbahaysiga Sacuudiga
Wednesday - August 16, 2017
Dowladda Puntland u hogaaminaayo madaxweyne Cabdi-weli Gaas, ayaa maanta cadeysay inay si buuxda u soo nooleysay xiriirkii xulufada dowladdaha Sacuudi Arabiya iyo Imaaraatka oo dhowaan xiriirka u jaray dowladda Qatar, kadib markii lagu eedeeyay inay taageerto arggixisida.
Maamulka Puntland oo muddo la aamusnayd mowqifkeeda runta ah, ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inay qadarinayso xiriirka ganacsiga, midka amniga iyo mashaariicda horumarinta ah ee ay labadaan dowladdood ka fuliyaan Puntland .
Waa maamulkii labaad oo si cad u taageera is-bahaysiga Sacuudiga. Horey waxaa u taageeray Soomaaliland, laakiin dowladda federalka ayaa arintaa weli wax hadal ka soo saarin, isla markaana maamulada kale ayaa weli ka aamusan oo aan si cad u sheegin mawqifkooda, laakiin warar hoose ayaa tilmaamaya in maamulka Juba-land iyo konfurta ay iyagana dhinacooda shukaansi uga socdo xaga imaaraadka oo ay dhici-karto iney raacaan laynka Gaas.