Sharcigi Ma Shaqeyn Oo Golihi Maamulada Waa Kala Dareer .. Maamulka Galmudug Oo Ka Dan Furatay Maamulka Dawlada Dhexe Si Toosana Xiriirka Ugu Jartay
Tuesday - September 26, 2017
War goordhow ay si rasmi ah u baahisay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey inu ka dan furtay xariirkana u jaray dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay in xariirka loogu jaray dowlada dhexe ee Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeysay iney ku howlan tahay kala qeybinta Galmudug.
Sidoo kale, bayaanka ayay Galmudug ku sheegtay iney shir deg deg ah oo wadatashi ah ugu yeereyso xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Galmudug si arrintaas ay ugala tashtaan
Go’aanka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay dowlada iyo maamulka Galmudug taas oo ku aadan arinta Carabta.