Ha Ku Daayo Caashaqu .. Gudoomoyihi Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Caseyr Iyo Ku Xigeenkii Madaxweyne Carabey Oo Xilkoodi Wiish La Booday
Saturday - September 30, 2017
Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,
Sida illo wareedyo ku sugan Cadaado xaqiijiyeen, waxaa shirka Baarlamaanka soo xaadiray 52 Xildhibaan, isagoo Madaxweyne Xaaf ka codsaday inay xilka ka qaadaan Guddoomiyahii Baarlamaanka Galmudug Axmed Gacal Casir.
Sida wararku sheegayaan waxaa la soo saari-doona cadeymo qoraal rasmi ah oo la xariirta natiijadi codeynta, waxaa u codeeyey in xilka laga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka dhammaan 52-dii Xildhibaan ee soo xiray Shirkaas kuwaas oo sheegay inaysan u dulqaadan doonin in la dumiyo Maamulka Galmudug.
Dhinaca kale waxaa isna xilkii laga qaaday madaxweyne ku xigeenki galmudug maxamed xaashi oo isna halkaas cod aqlabiyad ah looga qaaday