Xildhibaan Cabdi-Weli Qanyare oo Qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha bulshada Twitterka ayaa ku soo bandhigay oo Adeegsaday Ereyadaan oo u ku sifeeyey kooxda Villa Somaliya ka arimisa : Furuq Haddu Yimaado Waraabow Waa Faro Ku Leef.
Xildhibaan Qanyare ayaa ka dhawaajiyey dareenka walwalka leh ee shacbiga Somaliyeed ka aamisan-yihiin khatarta siyaasadeed iyo mida amni ee ka imaan-karta kooxda ka talisa Villa Somaliya ee u madaxa ka yahay agaasimaha guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo lagu xariiriyo inu gacan saar la leeyahay kooxda al-shabaab ee ka dagaalanta Somaliya iyo Dawlada Qatar oo faragalin baas ku haysa siyaasada murugsan ee maanta ka socota somaliya