Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 1 July 2025

Kaftan Lays La Soo Dhaaf Korneyl Qadaafi Oo Haybtiisa Afrikaan Ku Helay Tol Iyo Qaraabo U Hiilisa

Thursday - March 31, 2011

Sida wararka lagu helay afhayeenka madaxweynaha dalka Uganda Mr.Tamale Mirundi oo Arbacadii u warramayay wakaalada wararka ee AP ayaa waxa uu sheegay in dawlada Uganda ay diyaar u tahay in ay qaabisho madaxweyne Qadafi hadii dawlada Ugadna ka dalbado in ay siiso magan-galyo siyaasadeed

Waxaa afhayeenka madaxweyne Museveni uu sheegay in Qadafi denbi kasta ha galee uu yahay muwaadin daacad ah, madaxweyne Museveni ayaa lagu waday inuu booqdo dalka Libya bartamihii bisha March balse waxa uu Tripoli u diray wasiirkiisa arrimaha dibeda waxana uu dhawr cisho kadib soo saaray warbaxin ka kooban 9 bog oo uu ku dhaliilayo faragelinta milateri ee ay Maraykanka iyo Yuribiyaanku ka wadaan dalka Libya,waxana uu amaanay Qadafi ,waxuuse kula taliyay inuu wada xaajood la bilaabo kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan

Muslimiinta dalka Uganda ayaa sidoo kale la filayaa in ay soo dhoweeyaan madaxweyne Qadafi ,waxana arrintaas iftiimiyay mid ka mid ah hogaamiyaasha muslimiinta dalka Uganda oo la yiraahdo Hamusa Kaduga oo sheegay in madaxweyne Qadaf uu horay i bixiyay dhaqaalihii lagu dhisay masaajid aad u wayn oo si casri ah looga dhisay magaalada KAMPALA ,waxana uu intaa ku daray oo sheegay in Qadafi uu ka qayb qaatay mashaariic kala duwan oo Ugaandha laga hirgaliyey