Ciidamo Ay Ka Mid Yihiin Sacuudiga Iyo Turkiga Oo Ku Soo Fool Leh Somaliya
Sunday - August 21, 2011
Istanbul-Turkiya: Ururka dalalka Islaamka ayaa la sheegay inay isku raaceen sidii ay ciidamo muslimiin ah ugu diri lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka iyo xasiloonida.
Wasiirka arrimaha dibadda wadanka Turkiga oo saxaafadda u waramay ayaa sheegay in ciidamo ka socda dalalka islaamka loo diri doono Muqdisho, kuwaasi oo ujeedadoodu noqon doonto inay ilaaliyaan ammaanka gargaarka loogu talogalay dadka abaaruhu waxyeellada u gaysteen ee ku dhaqan Soomaaliya, isaga oo xusay in ciidammadaasi ka iman doonaan dalalka Kazakhstan, Turkiga, Sacuudiga, Senegal iyo dalal kale.
" Waxa Geeska Afrika ka taagan xaalad baniaadanimo oo murugo leh, gaar ahaan Soomaaliya, halkaas oo macaluuli ku dhufatay iyo abaaro, dad ka badan 3 milyan oo qof ayaa gaajo soo wajahday. Turkigu indhaha kama laaban karo xaaladdaas, ayuu yiri; Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga.
Waxa lagu wadaa maalmaha so socda in kulan deg-deg ah ay isugu yimaaddaan guddiga fulinta ee Ururka Islaamka, kaas oo lagaga arrinsan doono sidii ciidamo degdeg ah loogu diri lahaa Soomaaliya iyo sidii la isugu dubbaridi lahaa dhaqaalaha loogu yaboohay Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena kulankaasi loogu talogalay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa arrimo farsamo oo taagan oo ay ka mid yihiin duulimaadyo aan si toos ah u tagi karin Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa sheegay in dhaqaalaha loo yaboohay Soomaaliya si wanaagsan ku socdo inta aysan dhammaan bisha Ramadan lagu wado in uu gaaro $200 milyan oo dollarka Maraykanka ah.
Raiisal-wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdiweli Cali Gaas, ayaa dhawaan sheegay inay caalamka ka codsanayaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya shixnadaha gargaarka ah si loo hubiyo inuu gaaray halkii loogu talo galay iyo in kale.
Dalka Turkiga ayaa ah dalka muslimka ee keliya ee xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO, waxana uu leeyahay ciidammada ugu badan, kuwaas oo si degdeg ah ku gurman kara loona daabuli karo, waxana markii u horreysay ee dalalka islaamku ay ciidamo u diraan Soomaaliya, inkastoo la sheegay inay ku koobnaan doonaan ilaalinta gargaarka iyo gaarsiinta meelaha looga baahan yahay.